Atirishadii Filimka Mohabbatein Sameesay Kim Sharma Oo La Sheegay Shaqo Bilaash Ah Inay Qabato Xiligaan

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kim Sharma bilawgii qarnigaan 2000 ayay Bollywood-ka kusoo biirtay waxayna amaan wacan ku heshay doorkeedii filimka Blockbuster-ka weyn noqday Mohabbatein.

Balse haatan waxaa la sheegay in Kim Sharma ay dib ugu soo laabatay magaalada Mumbai sidoo kalena xaalada ay ku xun tahay ayadoo la sheegay inay qabato shaqo bilaash ah ama hawl aan wax lacag ah lagu siinin.

Kim Sharma sanadii 2010 waxay guursatay ganacse Ali Punjani oo Hindi ah balse Kenya ku nool waxayna usoo guurtay gudaha Kenya si ay seygeeda halkaas ula joogto.

WARAR DHEERAAD AH:

Laakiin April 2017 Kim Sharma si rasmi ah waxaa u furay Ali Punjani oo la sheegay inuu haweeney kale ka raacay iyadana meel cidlo ah kaga tagay.

Kim Sharma haatan waxaa la sheegay inay shaqo wax lacag ah aysan ku qaadaneyn u qabaneyno jilaaga Bollywood-ka ka tirsan Jaaved Jaaferi waxayna kala shaqeynaa shirkadiisa Indian Documentary Foundation’s programme Good Pitch India.

Shirkadaan waxay qabataa inay maal galiso sameynta filimada Documentary-ga ah sidaa darteed Kim Sharma haatan si bilaash ah ayay kula shaqeysaa Jaaved Jaaferi waxayna sheegtay lacagta inay kaga muhiimsan tahay marka hore inay saaxada kusoo laabato kadibna wax walbo iska imaan doonaan.

Waxaan u rajeyneynaa Kim Sharma soo laabasho wanaagsan iyo inay hesho shaqo ay daqli wacan ku heli karto……

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video