Hrithik Roshan Oo Beeniyay Qof Taageero U Ah Inuu Si Xun Ula Dhaqmay!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Hrithik Roshan ayaa laga baahiyay inuu si xun ula dhaqmay qof taageero ah oo isaga sawir ka qaaday kadiba uu awood u sheegtay qofkaas asigoo ka tir tiray dhamaan sawiradii uu Mobile-ka kaga qaaday.

Website-ka caanka ah Deccan Chronicle ayaa soo daabacay warbixin uu ku sheegay inuu Hrithik Roshan oo careesan gabbar taageero u ah si xun ula dhaqmay asigoo ka qaaday Mobile-keeda kadiba ka tir tiray sawiradii ay ka qaaday.

Hrithik Roshan in sumcadiisa meel looga dhaco ma ahan wax uu aqbali karo wuuna ka aamusi waayay arinkaan wuxuuna soo dhigay qoraal rasmi ah bartiisa Twitte-ka asigoo sheekadan ku beeniyay.

WARAR DHEERAAD AH:

HR wuxuu yiri “Haye Decan, waad ku wanaagsan tihiin qorista sheekooyinka xaqiiqada ka fog, aan kulano marka aad kasoo laabataan qayaaliga aad dhexda kaga jirtaan (La la land) waqtiga ha idiin wacnaado”

Hrithik Roshan Slams Deccan Chronicle's Fake Report

Website-ka caanka ah Deccan Chronicle wuxuu soo daabacay in Hrithik oo Gym ku gua jiro gabbar taageero u ah sawir ka qaaday, Hrithik wuu ka xanaaqay arinkaan wuxuuna ka qaaday gabadhii Mobile-keeda asigoo ka tir tiray sawiradii ay ka qaaday.

Laakiin Hrithik Roshan jawaabta uu siiyay Website-ka caanka ah Deccan Chronicle ayaa ah mid cadeyn ugu filan in sheekada ay qoreen waxba ka jirin weliba filimka Hollywood-ka caanka ah ee Oscar-ka faraha badan lagu qaatay La La Land ayuu hal qabsi ahaan ugu soo qaata madaama filimkaas Dance wacan lagu soo bandhigay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video