Iska Hilmaan Doorkiisii Baahubali 2: Rana Daggubati Oo Filimkiisa Cusub Nene Raju Nene Mantri Kaaga Yaabsan Doono (+Video)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waa qasab inaad dhihi doonto “Kani ma ahan Ranna Daggubati (laadarkii filimka Baahubali)” marka aad daawatid goos gooska kooban ee filimkiisa cusub Nene Raju Nene Mantri laga soo bandhigay.

Rana Daggubati filimkiisa cusub Nene Raju Nene Mantri ee Telugu ah wuxuu ku matalaa siyaasi sidoo kalena waji cusub ayuu lasoo baxay asigoo siweyn taageerayaashiisa kaga yaabsaday.

Goos gooska kooban waxaa lagu soo bandhigay bilawgiisa Rana dhibka uu maraayo asigoo xasbi kasoo baxaayo gacmahana ka xiran wajigana laga daboolay.

WARAR DHEERAAD AH:

Rana doorkiisa siyaasiga lagu magacaabo Jogendra ayaa ah mid xarago badan, qayaano badan, xeeladiisa badan tahay sidoo kalena aan la loodin karin.

Filimka Nene Raju Nene Mantri Rana Daggubati waxaa la jilayaan Kajal Aggarwal iyo Catherine Tresa waana filim siweyn loo wada sugaayo.

Waxaana la qorsheenaa in filimka Nene Raju Nene Mantri la daawado 11-ka August 2017 todobaadka xurnimada Hindiya madaama uu yahay filim Rana ku jilaayo siyaalo mayal adag oo wadani ah.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban (Teaser) ee filimka Nene Raju Nene Mantri laga soo bandhigay:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video