John Abraham Iyo Boman Irani Oo Sawiro Laga Qaada Xili Ay Filimka Parmanu Duubayeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

John Abraham iyo Boman Irani maal mihii ugu dambeeyay waxay ku sugnaayeen magaalada Delhi ayagoo halkaas ku duubayaan filimkooda Parmanu – The Story of Pokhran.

Filimka Parmanu – The Story of Pokhran waxaa Director ka ah Abhishek Kapoor waana filim ka hadlaayo sidii Hindiya ku sameesay huba Nuclear-ka sanadii 1998 waana filim fariin waaqici ah xambaarsan.

WARAR DHEERAAD AH:

Duubista filimka Parmanu – The Story of Pokhran waxay ka socotaa duleedka Delhi waxaana laga soo bandhigay John iyo Boman Irani ayagoo filimkaan duubayaan.

John oo sarkaal militari ah filimkaan ku jilaayo asigoo labiska ciidanka wato ayaa lasoo sawiray halka Boman Irani sawiro laga qaaday asigoo dharka madaxda ama siyaasiyiinta qaranka wato.

Boman Irani gaarigii uu saarnaa ayaa taayarka ama lugaha ka banjaray midaasna waxay keentay inay taageerayaal kusoo xoomaan goobtii filimka lagu duubayayna isku badashay meel saxmad badan.

Filimka Parmanu – The Story of Pokhran waxaa atirisho ka ah Diana Penty waxaa la daawan doonaa 9-ka bisha December 2017 waana filim il gaar ah lagu haayo lana fiirin doono fariinta ku aadan sida Hindiya u sameesatay hubka Nuclear-ka 19-sano ka hor.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video