Loolan Culus: Suldaan Mahesh Babu Dib U Gurasho Ayuu Sameeyay Balse Allu Arjun Salman Khan Ayuu Is Hordhigay Ciidul Fidriga!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Tubelight ee uu Salman Khan hogaamiyaha iyo maal galiyahaba ka yahay waxaan wada ognahay in uu yahay filim si weyn loo sugaayo Ciidul Fidrigaan in la daawado.

Waxaana la rajeynaa inuu noqdo Blockbusterka koowaad ee sanadkaan Bollywoodka sameyaan, maadama filimkaan jamaahirta Sallu iyo daawadayaasha oodhan ay ka heleen goosgooskiisa.

Dhanka kale filimka Spyder ee uu hogaamiyaha ka yahay Suldaanka koonfur India ayaa waxaa lashegay in la daawan doono sido kale Ciidul Fidriga sida goos goosisa laga dareemay balse qoloda filimkaan hada dib u gurasho aye bilaaweyn inkastoo mar lashegay in ka daawan doono bisha Aug hadana wali sifiican looma shaacin.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse war kale ayaa jiro Stylish Actor Allu Arjun kaaso aanan waxba ka cabsan ayaa diyaar u ah inuu loolan culus la galo Salman Khan.

Allu Arjun wuxuu ka yaabsaday daawadayasha kadib markii lasoo bandhigay goosgooska filimkiisa DJ wuxuuna noqday mid aad hada loo wada xiiseyo.

Hadii Mahesh dib ugurasho sameyay Allu Arjun diyaar ayuu u yahay Qatar walba oo dhanka Sallu kaga timaada inuu dhabarka u dhigto waayo kalsooni badan ayuu mujinaya xidigaan.

Xisaabto kudarso Allu Arjun waa atooraha ugu guulaha badan hada koonfur India oodhan marka laga hadlo jiilkiisa.

Waxaan sugnaaba waa ciidul fidriga iyo aflaamtan wacdaraha ay dhigaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video