Ma Ogtahay Filimka Kuch Kuch Hota Hai Inuu Sameeyn Ku Yeeshay Sushant Singh Rajput Noloshiisii Waxbarasho!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sushant Singh Rajput sanadii 2013 ayuu Bollywood-ka kusoo biiray asigoo amaan weyn ku helay doorkiisii filimka Kai Po Che laakiin awoodiisa fanka waxay haatan gaartay heerkii ugu sareesay madaama filimkiisii MS Dhoni uu sanadkii hore 100 Crore ka badan Boxoffice-ka kasoo xareeyay.

Sushant Singh Rajput jimcadaan (9 June 2017) waxaa tiyaatarada loo saari doonaa filimka Raabta oo ay isla jilayaan Kriti Sanon.

Hadaba Sushant Singh Rajput ayaa noloshiisii hore gaar ahaan xiligii uu iskuulka dhiganaayay wuxuu sheegay in filimkii Classic ahaa Kuch Kuch Hota Hai noloshiisa wax barasho saameyn weyn ku yeeshay.

WARAR DHEERAAD AH:

Sushant wuxuu yiri “Waxaan dhiganaayay fasalka 8-aad markii aan la saaxiibay gabbar iga weyn, waxaan isla daawanay filimkii Kuch Kuch Hota Hai (1998), waxaana isku qaadnay jaceyl qiiro badan”

“Kuch Kuch Hota Hai nolosheyda jaceyl ayuu wax ka badalay waxaana noqday qof jaceyl ka sameesay, laakiin wuxuu saameyn ku yeeshay filimkaas waxbarashadeyda madaama aan buundo ama dhibco yar keenay sanad dugsiyeedkaas, waayo halkii aan waxbarashada xooga saari lahaa jaceylka ayaan xooga saaray!”

Sushant Singh Rajput ayaa sidoo kale sheegay sida uu waqtiga isku badalo in xiriirka jaceyl isku badalo wuxuuna sheegay waagii Kuch Kuch Hota Hai sida uu jaceylka u fahmay fahan ka duwan inuu maanta ka heesto.

Ugu dambeyntii atoorahan la wada jecel yahay wuxuu sheegay markii uu dugsigii sare dhameestay uu rabay inuu Ingineer noqdo balse fikirkiisii meel iska dhigay kadibna uu jilaa noqday asigoo xirfadiisa kasoo bilaabay dhanka Model-ka, TV-yada kadibna ugu dambeyntii Bollywood-ka ka mid noqday 4-sano ka hor.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video