Rasmi: Rani Mukerji Oo Soo Gaba Gabeesay Duubista Filimkeeda Hichki

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shirkada Yash Raj Films ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday in filimka Hichki ee atirishada caanka ah Rani Mukerji kusoo laabaneyso in duubistiisa lasoo gaba gabeeyay.

Rani Mukerji sanadii 2014 ayaa ugu dambeesay Bollywood-ka ayadoo xiligaas sameesay filimkii guuleestay sidoo kalena ay abaal marinada kala duwan ku qaadatay Mardaani.

WARAR DHEERAAD AH:

Rani oo hooyo noqotay dhawaanahana saaxada lagu arkay ayaa hada soo laabatay waxayna ku faraxsan tahay in filimkeeda Hichki duubistiisa si guul ku dheehan kusoo idlaato.

Filimka Hichki waxaa Director ka ah Sidharth P Malhotra oo horey filimka We Are Family u sameeyay waana filim Rani hogaamiye kowaad ka tahay awoodeeda qaab jiliina kusoo bandhigi doonto.

Rani ayaa duubis ku bilaawday filimka Hichki bilawgii bishii April ee sanadkaan haatana todobaadka kowaad kowaad ee bisha June ayaa duubistiisa filimkaan lasoo idleeyay.

Rani Mukerji ayaa filimka Hichki ku mataleyso gabbar naafo ah oo aan lixaadeeda dhameestirneyn balse diyaar u ah inay caqabad walbo oo nolosheeda ka gudubto.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video