Salman Khan: “ Iyadu Ima Jecla, Eeygeedana (Dog) Ima Jecla,” Tolow Waa Tuma Gabadhan Salman Jaceyl Kadiiday!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Salman Khan waa shaqsi dareen qiiro badan leh, sido kalena ma aha dadka hadalada la gambada ee jawaab walba side tahay ayuu dadka usiiya.

Sallu oo kamid ahaa xidigaha ugu quruxda badan ee Bollywoodka katirsan 90kii iyo bilawgii qarnigaan, ayaa waxaa lala yaaban yahay gabadha xidigaan jaceylkiisa iska diiday oo uu yiri ima jeclaan waligeedd gabadhaas.

Waxay aheyd xili uu wareysi siinayey xidigaan wargeyska Mid-Day walibana wuxuu ka hadlaayey noloshiisa hore xiligii uu 16 jirka ahaa wuxuu yiri asigoo sheekenaya.

“Waxaan jiray 16 sano, waxaana jirtay gabar taaso aan aad oga helay, balse ma awoodin xiligaas inaa u sheegto danteyda waayo waxaan ka baqaayey inee iga diido oo ay kuma rabo idhahdo.

WARAR DHEERAAD AH:

Laakiin waxay la saaxiibtay laba ka mid ah saaxiibadeyda oo ay xiriir la sameysay anigana kaliya saaxiib caadi ah aye iga dhigatay.

Balse xiriirkii saaxiibadey ay lasameysay labadaba ma noqon mid shaqeyay waayo wey kala hareyn inkastoo aniga qalbiga ka dhaawacmay oo aan ka xumaa gabar aan aniga rabo inee saaxiib la noqoto saaxiibadeyda.

Balse ayada waligeed ma ogaanin inaan aniga jeclahay oo anigaa ka baqan jiray inaan usheegto danteyda, mida kale ayaaba aheyd in ayadana aysan marnaba iga dareemin waayo maba ixiiseyn jirin dhanka jaceylka marka la dhaho kaliya saaxiib unbey iga dhigatay.

Sikastee ahaataba maalin ayaan waqti fiican la qaatay hase ahaate waxay laheyd Eey kaaso dad cun ah, wuu I qaniinay ana waan adkeysan waayey gacanteyda ayaan si xoog ah ugu dhuftay Eeygii, ayadana wey i canaanatay oo way igu qeylisay.

Ana maalinkas ayaan iyadoo dhanba meel iska dhigay oo aan iska dhaafay, waligeed ima aysan jeclaanin sido kale Eeygeedana ima jecleyn, haatana mudo 35 sano ah ma aanan arkin oo lama kulmin.”

Fikradaha Akhristayaasha (4)

  1. Saabir Bunka says:

    Hah Caku ciil badana calafka xumaa Salluu

  2. saami says:

    kan dhiba haysata miskiin kan waligiis waa sidaas camrigiisi sidaas ayuu ku dhamaaday gabadh uu jeclaa oo ninkale jeclaatay iyo mid nin kale ka dulqaado,

  3. maxamed cj says:

    waa tuma gabdha ninkan balayada ah uu jeclaa magceeda muxuu noogu sheegi waayey

  4. Ayaan Ali shire says:

    Aniga Ku jecel salman midaan Ku jeclayn maxaa iskaga wareerinee bbe




Featured Video