Salman Khan Oo Beeniyay Warkii Ahaa In Uu Filim U Sameyn Doono Filimsameye Sanjay Leela Bhansali

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Star Salman khan ayaa war aanan jirin kasoo qaaday warkii hore ee ahaa in asiga iyo Bhansali filim ku midoobi doonan.

Qolada DNA ayaa war aanan jirin soo dabacday ayagoo sheegay in salman uu yiri hadalkaan,” waxaan aniga iyo mudane Bhansali ka wada hadalnay sheekada filimka uu rabo inuu ii dhibo balse waxaan filimkaas usoo jeedsan doona kadib markaan soo gabagabeyo mashruucyada aan ku howl jiro.

Sido kale mudane Bhansali na sheekada filimka ayuu ii aqrin doona kadib markii uu soo gabagabeyo filimkiisa uu ku howl jiro ee Padmavati.”

Sheekada markii hore sidaa aye aheyd balse markaan Sallu ayaaba Media yahay ushegay in uu yahay war aanan waxba kajirin warkaas kadib markii ay weydiyeen xidigaan suaalahaas.

WARAR DHEERAAD AH:

Sallu oo u jawaabaya Media yaha wuxuu yiri,” waa war been ah oo aan waxba ka jirin, balse ha argagixina, hadii SLB uu iiso bandhigo filim waan sameyn doona wax dhib ah kuma jiro marwalba ayaan diyaar u ahay.”

Bhansali iyo Sallu waxay horey uwada sameyeen aflaamta kala ah “Khamoshi: The Musical” iyo “Hum Dil De Chuke Sanam”.

Waana arin xiiso leh hadii ay markale isla shaqeyaan, laakin sallu mashruucyadiisa waa afjaranyihiin ilaa 2 da sano ee soo socota.

Waxaa u diyaarsan labadiisa filim ee la daawan doono sanadkaa ee kala ah Tubelight oo uu xayeysiin usameyntiisa uu kugudojiro iyo waliba Tiger Zinda Hai oo la daawan doono sanadkaan dhamaadkiisa.

Sido kale filimka Dnace ka ah ee Remo filimka kale ee walashiisa Alvira Khan Agnihotri ay iska leedahay balse aan magaca loo bixinin iyo walaalkisa Arbaz Khan filimka uu Directorka ka yahay ee Dabangg 3.

Waxaas oo dhan waa mashruucyo laga rabo inuu Sallu ka howl galo waayo horey ayuu u saxiixday aflaamta, hadii uu SLB lasaxiixdo filimkaan kadib markii uu usoo bandhigo waa mashruuc hor leh oo xidigaan sugayo inuu ka howl galo iyo wadashaqeyn 7 sano kadib ah oo ay wada shaqeyn SLB iyo Sallu maadama filimkoodi udamebeyay ee ay kawada shaqeyn uu ahaa Saawariya 2007 inkastoo Sallu muuqaalo kooban ku lahaa filimkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video