Shaqo Cusub Ayuu Abuurtay: Shakti Kapoor Oo Maqaayadle Isku Badali Doono

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shakti Kapoor sanadii 1984 wuxuu sameeyay filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Tohfa waxaana hogaamiyaal filimkaan ka ahaayeen Jeetendra Kapoor iyo Sridevi.

Shakti Kapoor filimka Tohfa wuxuu ku leeyahay oraah caan ah ‘Aaoo Lolita’ oo hirgashay ilaa maantadana dadka qaar markay arkaan waxay ugu yeeraan ‘Aaoo Lolita’.

WARAR DHEERAAD AH:

Hadaba Shakti ayaa go’aan ku gaaray inuu gudaha Hindiya ka furo maqaayada kala duwan oo wataan magaca oraahdiisa caanka ah ‘Aaoo Lolita’.

Shakti maqaayada magaca ‘Aaoo Lolita’ wadato mida ugu horeyso wuxuu ka furi doonaa caasimada Dehradun ee gobolka Uttarakhand ee Waqooyiga Hindiya weliba 3-da bisha September ee sanadkaan maalinta Shakti dhalashadiisa ku beegan tahay ayaa la furi doonaa.

Sidoo kale maqaayadan waxay yeelan doontaa baqaaro lagu iibinaayo boon balooyinka caruurta lagu cayaarsiiyo oo lagu xardhay magaca Crime Master Gogo (Waa magacii Shakti Kapoor loogu yeeray filimkii hirgalay Andaz Apna Apna).

Sidoo kale dhawaan ayuu Shakti Kapoor ka furi doonaa maqaayadiisa ‘Aaoo Lolita’ magaalooyinka caanka ah sida Delhi iyo Mumbai.

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. Ahmed Yoolah says:

    Sxb zakariye oraahda Ma noo micneen karta hada soo fahantay waayo ayado aan tarjumnen aya ku celcelisay waxay ilatahay waa dhaxalgal hada micnen kartid sxb shukran

  2. faniska srk says:

    hdan filimka wlhy dawanayaaa




Featured Video