Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Jaceylka Ah Ee Aan Wada Jecel Nahay Mann

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Mann wuxuu soo baxay sanadii 1999 waana mid ka mid ah aflaanta jeceyl ee dunida looga jecel yahay sidoo kalena aan marnaba laga xiisa dhigin daawashadiisa.

Jilaayaasha filimkaan: Aamir Khan iyo Manisha Koirala halka Anil Kapoor iyo Rani Mukerji ay muuqaal marti ah ku lahaayeen

Director: Indra Kumar

Mann oo noqday filim Boxoffice-ka guul dhex dhexaad (Average) ka gaaray ayaa ah filim Classic ah caanimadiisa heesihiisa iyo sida sheekadiisa loo jecel yahay.

Hadaba waxaan idiin heynaa xaqiiqooyin u gaar ah filimka Mann oo aan wax badan laga ogeyn fadlan hoos kaga bogo:

Xaqiiqada 1-aad: Mann sheekadiisa waxaa laga soo min guuriyay filimka Hollywood-ka ah An Affair to Remember (1957), sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in filimkii Bheegi Raat (1965) oo ay wada jileen Ashok Kumar, Meena Kumari iyo Pradeep Kumar isagana Mann isku sheeko yihiin oo laga soo min guuriyay.

Xaqiiqada 2-aad: Mann isla sanadii uu soo baxay sanadii 1999 waxaa la sameeyay asigoo Telugu ah micnaha reer Telugu ayaa sheekada Mann xuquuqdiisa qaateen waxayna ka sameeyeen filimka  Ravoyi Chandamama oo ay wada jileen Akkineni Nagarjuna, Anjala Zhaveri, Keerthi Reddy iyo Jagapati Babu.

WARAR DHEERAAD AH:

Xaqiiqada 3-aad: Aishwarya Rai ayaa loo bandhigay inay Mann atirisho kowaad ka noqoto balse wey ku gacan seertay sameynta filimkaan waxayna ka dooratay sameynta filimka Hum Dil De Chuke Sanam.

Xaqiiqada 4-aad: Anil Kapoor ayaa filimkaan muuqaal marti ah ku yeeshay waxayna ahayd markii ugu horeesay ee Anil filim la sameeyo ama kala soo muuqdo saaxiibkiis Aamir Khan.

Xaqiiqada 5-aad: Akshay Kumar ayaa markii hore loo bandhigay hogaaminta filimka Mann balse wuu ku gacan seeray asigoo xiligaas xiiso u qaban aflaanta jaceylka ah.

Xaqiiqada 6-aad: Tabu iyo Nandita Das ayaa ku dhawaadeen inay saxiixdaan Mann, laakiin Tabu filimkaan waxay ku weesay inay 2 inches (5.08 cm) ka dheeraatay Aamir Khan, halka Nandita Dus iyadana xiligaas xiiso u qaban inay filim jaceyl hogaamiye ka noqoto.

Xaqiiqada 7-aad: Aamir Khan markii hore wuu diiday sameynta filimka Mann balse Director Indra Kumar ayaa ku yiri “Igu kalsoonaaw waxaan ahayn qofkii kuu sameeyay filimada Dil (1990) iyo Ishq (1997)” Sidaas ayuuna Aamir markii dambe ku aqbalay sameynta Mann asigoo ka caga jiidayay laakiin markii dambe doorkiisa marka uu amaan ku helay wuxuu u mahad celiyay Director Indra Kumar.

Xaqiiqada 8-aad: Dhamaan 8-da hees ee filimka Mann ku jiraan waxaa ku wada luqeenayo fanaanka caanka ah Udit Narayan oo ay Aamir Khan waligood saaxiibo dhow ahaayeen.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Aqriskaaga…..

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. aftah.dangal says:

    Thnks




Featured Video