16-Jilaa Oo Magaca Khans Iyo Kapoors Wataan Balse Ku Guul Dareesteen Inay Bollywood-ka Saameyn Ku Yeeshaan Qaybta 3-aad (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood waa shirkad qofka magaca Khan ama Kapoor wato laga heebeesto sidaa darteed Khans iyo Kapoors waligood fanka Hindiya awood ayay ku heesteen.

Balse waxaan idiin heynaa 16-jilaa oo magaca Khans iyo Kapoors wataan laakiin Bollywood-ka ku guul dareesteen inay saameyn xoogan ku yeeshaan haatana waxay iska noqdeen kuwo aan awood laheyn ama loolanka ka hareen.

Fadlan qaybta sedexaad ee maqaalkaan xiisaha badan hoos kaga bogo caawana 4-jilaa kale ayaa masraxa inoo saaran:

Kunal Roy Kapoor: wuxuu la dhashay filim soo saaraha caanka ah Siddharth Roy Kapoor laakiin marnaba wuu sal dhigan waayay Bollywood-ka.

Kaliya filimkii Delhi Belly ee uu caawiye ka ahaa ayaa Hit u noqday wixii markaas ka dambeeyay filimo badan ayaa ka fashilmeen haatana waaba la iska hilmaamay magaciisa iyo muuqiisa.

Sanjay Kapoor: Waa Kapoor-ka ugu yar wuxuuna ka yar yahay Boney Kapoor iyo Anil Kapoor laakiin labadiisa walaalo ayaa Bollywood-ka kaga saameyn badan.

WARAR DHEERAAD AH:

Bilawgiisii fanka filimaan uu atoore kowaad ka yahay ayaa loo dhiibi jiray laakiin qasaaradiisa oo xadka badatay markii dambe cid wax u dhiibato ayuu waayay haatana hawada ayuuba ka baxay.

Imran Khan: Wiilkaan Aamir Khan abtiga u yahay filimkiisii kowaad Jaane Tu Ya Jaane Na Hit weyn ayuu noqday kadib filimadiisa waxay isugu jireen kuwo guuleesteen iyo kuwo guul dareesteen.

Laakiin 4-tii sano ee ugu dambeesay Flop-kiisa ayaa xadka ka baxay midaasna waxay sababtay in hada Bollywood-ka laga waayo sidoo kalena uu ku dhiban yahay helista mashruuc fiican.

Randhir Kapoor: wuxuu la dhashay Rishi Kapoor oo ka caansan in badan kana guulo badan waxaana aabo u ah Super Star-kii weynaa Raj Kapoor halka Shashi Kapoor iyo Sham Kapoor adeer u ahaayeen.

Randhir Kapoor waayihiisa Bollywood-ka marnaba ma hana qaadin wuxuuna waligiis ahaan jiray atoore caawiye ama inuu filimada ku yeesho door aad u liito, sidoo kalena labadiisa gabdhood Karishma Kapoor iyo Kareena Kapoor magac iyo maamuus weyn ayay Bollywood-ka ku yeesheen.

La Soco Qaybta Afaraad 16 Jilaa Oo Magaca Khans Iyo Kapoors Wataan Kuwaas Oo Bollywood-ka Ku Fashilmeen…….

Hadii Aadan Aqrisanin Maqaalkaan Qaybtii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii Aadan Aqrisanin Maqaalkaan Qaybtii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. abdihakin says:

    Ranbir kapoor super star ma gara masa wali

  2. Deeqa says:

    Filimside qaybtaan waa 3aad ee 2aad ma ahan fadlan iska saxa

  3. C/Maalik Gees Cadde says:

    Qeybaha oo dhan waxa ugu roon

    Arbaaz Khan. & Sanjay kapoor




Featured Video