Goos Gooska Filimka Duvvada Jagannadham Ee Allu Arjun Ka Yahay Oo Iskoor Weyn Dhigay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Stylish Actor Allu Arjun filimkiisa cusub Duvvada Jagannadham (DJ) dhawaan goos gooska laga soo bandhigay wuxuu dhigay iskoor weyn haatana filimkaan waa laga yaaban yahay.

Marka laga soo tago goos gooska filimka Baahubali 2 Allu Arjun filimkiisa Duvvada Jagannadham dhamaan filimada kale ee Telugu ayuu iskoor u dhigay mudo gaaban.

Waxaa lala yaabay in mudo 24-saac ah goos gooska filimka Duvvada Jagannadham ay daawadeen 7-milyan iyo 400,000 oo qof marka lagu diro tiro ahaan inta Youtube iyo Facebook ka daawatay,

Sidaasna wuxuu ku noqday Duvvada Jagannadham filimka labaad ee mudo 24-saac ah tirada ugu badan goos gooskiisa daawato ee Koonfur Hindiya sameeyaan kadib marka laga soo tago filimka Baahubali 2.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Baahubali 2 goos gooskiisa waxaa mudo 24-saac ah daawadeen in ka badan 20-milyan oo qof waana iskoor aan loo dhawaan karin.

Alli Arjun filimkiisa Duvvada Jagannadham goos gooskiisa dadka oo dhan ayaa wada amaaneyn madaama lagu muujiyay inuu yahay filim mada daalo dhameestiran leh.

Filimka Duvvada Jagannadham waa midka 25-aad ee Allu Arjun sameeyo waxaana la jileyso atirishada Pooja Hegde oo sanadkii hore Hrithik Roshan la sameesay filimkii Mohenjo Daro.

Filimka Duvvada Jagannadham (DJ) waxaa la daawan doonaa 23-ka bisha June, fadlan hoos ka daawo goos gooskiisa dhameestiran markale:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video