Kriti Sanon Diyaar Ma U Tahay Inay Atoore Jaceyl La Wadaato, Xidigtaan Ha Inooga Jawaabto

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atirishada dhalinta yar Kriti Sanon waxaa siweyn loogu xantaa inuu xiriir jaceyl kala dhaxeeyo atooraha lagu magacaabo Sushant Singh Rajput waxaana labadaan Jimcadaan tiyaatarada loo saari doonaa filimka Raabta oo ay hogaamiyaal ka yihiin.

Hadaba Kriri Sanon ayaa wareysi gaar ah siisay shabakada Bollywood Life waxaana wax laga weydiiyay xidigtaan inay atoore Bollywood-ka ka tirsan xiriir jaceyl la wadaagi doonto ama ay tahay arin dhib badan in jilaa jaceyl lala wadaago.

Kriti Sanon waxay ku jawaabtay “Ma adag tahay in atoore xiriir la wadaago?  U maleyn maayo inaad qorsheyn kartid noloshaada qofka aad xiriir la wadaageysid nooca uu noqon karo jilaa ama qof kale”

WARAR DHEERAAD AH:

“Yaa qorsheen karo inaan atoore xiriir la wadaagayo wax walbo waxay ku xiran yihiin calafka iyo sida uu dareenka jaceyl kuu galo, marka qof kasto ayaad jeclaan kartaa”

“Ma dhihi karo maalin intaan meel fagaaro ah istaago atoore xiriir lama wadaagi doono waayo nolosha waxba ma qorsheyn kartid”

Kriti Sanon waxaa la rabay in laga hoos bixiyo waxaana la weydiiyay in atoore ama jilaa ay hada ka hor xiriir la wadaagtay uu jiro ama xiriir la wadaagto.

Atirishadaan waxay ku jawaabtay “Waligeey aniga xiriir atoore lama wadaagin, sidaa darteed aqoon uma lihi inay dhib badan tahay nolosha marka aad jaceyl la wadaagtid qof jilaa ah ileen weli waaya aragnimadaas ima soo marin”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video