Maxay Ku Diidan Yihiin Atirishooyinka Xiligaan Inay Sanjay Dutt La Shaqeeyaan?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Sanjay Dutt sanadkii hore marka uu soo dhameestay xukunkiisii 5-sano xariga ahaa inta kaga harsaneyd Bollywood-ka oo dhan ayaa soo laabashadiisa soo dhaweeyeen.

Hadaba Sanjay Dutt filim sameeyayaasha, kuwa maal galiyaan iyo jilaayaasha caanka ah ayaa Bollywood-ka kusoo dhaweeyeen haatana waxaa u saxiixan filimo kala duwan ee uu kusoo laabanayo.

Laakiin Sanjay Dutt soo dhaweyn wanaagsan kama helaayo atirishooyinka dhalinta yar ee xiligaan Bollywood-ka saameynta xoogan ku leh.

Alia Bhatt ayaa bilawgii sanadkaan iska diiday inay Sanjay Dutt la jisho filimka Bhoomi oo ay gabadhiisa ku matasho waxaana lagu badalay markii dambe Aditi Rao Hydari.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Bhoomi duubistiisa waa la dhameestiray waxaana la daawan doonaa 22 September 2017 waana filimka Dutt kusoo laabanayo.

Sidoo kale Sanjay Dutt dhawaan wuxuu saxiixday filim lagu magacaabo Malang ee hogaamiye ka yahay balse waxaa lagu guul dareestay in la helo atirisho awood badan oo aqbasho la shaqeynta Sanjay.

Sidaa darteed kooxda filimka Malang oo aan rabin inuu waqti badan ka lumo waxay haatan la saxiixdeen gabadha musal salada sameyso Ankita Lokhande (Sushant Singh Rajput saaxiibtiisii hore).

Sidaa darteed Sanjay Dutt oo waayay atirisho weyn oo la sameyso filimkiisa Malang wuxuu ku qancay in Ankita Lokhande ay filimkaan isla sameeyaan.

Tolow atirishooyinka waa weyn ee xiligaan Bollywood-ka awooda ku leh maxay ku diidan yihiin la shaqeynta Sanjay Dutt………………………….

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. Mohamed says:

    Gangester weeye

  2. TAAGERE DEEPUU says:

    malaha waxay diidayaan in awood uu u sheegto oo ay shaashada ku yaraadaan lkn sanju xiliguu dhalinyarada aha alla maxa laysku dili jiray lashaqayntiisa

  3. Ismail Aamir says:

    Way ka cabsanayaan Sanju
    La shaqayntiisa

  4. Yusuf eges says:

    Hhhhh de inu ugu rido hhhh buulka dul dhiso hhhhh sanju Baba ma hawl yara

  5. Ayan Mohammed Awil says:

    Way fiicantahay inuu Ankita lokhande la shaqeenayo Waayo jilinkeedu waa Cajiib Pavitra Rishta Jilinkay Kuso bandhigtay lama arag all the best anu




Featured Video