Pawan Kalyan Filimkiisa 25-aad Oo Laga Helay 125 Crore Ka Hor Inta Aan Tiyaatarada La Saarin

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Power Star Pawan Kalyan filimkiisa 25-aad ee Telugu ah balse aan weli wax magac ah loo bixinin waxaa laga helay lacago iskoor ah oo lagu sheegay 150 Crore ($22.73M) ka hor inta aan tiyaatarada la saarin.

Pawan Kalyan filimkiisa ee uu Director ka yahay Trivikram waxaa la sheegay in 50 Crore lagu iibsaday gobol xeebeedka Andhara ee dhul weynaha Telugu ka tirsan xuquuqda qeybinta cajaladihiisa oo kaliya!

WARAR DHEERAAD AH:

Sidoo kalena 110 Crore ku dhawaad kooxda iska leh waxay ka heleen xuquuqda qeybinta cajaladaha gobolada Telugu. Koonfur Hindiya oo dhan, daafaha caalamka iyo sidoo kale xuquuqda Satelite-ka filimkaan ayaa ku jirto.

Waa filimka labaad ee lacagaha ugu badan laga helo ka hor inta aan tiyaatarada la saarin waxaana ka badan Director SS Rajamouli filimkiisa Baahubali labadiisa qeybood.

Pawan Kalyan filimkiisa 25-aad waxaa la daawan doonaa bisha September ee sanadkaan 2017 waana filim siweyn loo wada sugaayo.

Pawan Kalyan kooxda cajaladaha qeybiyaan filimkiisa 25-aad waxay lacago iskoor ah ku iibsanayaan xili labadiisii filim ee ugu dambeeyeen Katamarayudu iyo Sardaar Gabbar Singh labaduba guul dareesteen sidoo kalena qasaaro wadareed ahaan lagala kulmay 80 Crore ilaa 90 Crore.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video