Rana Daggubati Xitaa Wuu Ku Qancin Kari Waaye Prabhas Inuu Twitter-ka Kusoo Biiro!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha awooda badan Prabhas ee hogaamiyaha ka ahaa Hit-ka ugu weynaa ee Hindiya oo dhan sameeyaan xiligaan casriga ah waa mid noloshiisa qaas tahay sidoo kalena aad u xishood badan.

Prabhas waxaa lagu kari waayay inuu Twitter-ka kusoo biiro inta badana ma jeclo inuu baraha bulshada waqti badan galiyo madaama uu aad u xishood badan yahay.

WARAR DHEERAAD AH:

Prabhas saaxiibkiisa qaaliga ah waa Rana Daggubati oo ay isla jileen Baahubali labadiisa qeybood hadana Rana waa qof bulshaawi ah oo barta Twitter-ka ku leh 2.86-milyan oo taageero ah sidoo kalena Rana qof walbo ayuu la fal galaa.

Rana Daggubati oo dhawaan la sheekeesanaayay taageerayaashiisa barnaamij su’aal iyo jawaab celin ah barta Twiter-ka waxaa soo gaaray dalabaad kala duwan oo ku aadan in saaxiibkiis Prabhas uu barta Twitter-ka kusoo daro.

Rana Daggubati arinkaan wuu ka jawaabay wuxuuna yiri “Idinka oo iga codsanin ayaan marar badan Prabhas ka codsaday inuu Twitter-ka nagula soo biiro balse wuu iga diiday madaama uu yahay qof aad u xishood badan jecelna noloshiisa inuusan dunida la wadaagin”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video