Rasmi: Prabhas Filimkiisa Saaho Oo Shaaca Laga Qaaday Xiliga Ay Duubistiisa Bilaaban Doonto

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha awooda badan Prabhas nasiinada wuu soo dhameestay wuxuuna kusoo laabtay gudaha Hindiya asigoo ku naaloonayo guusha taariikhiga ah ee filimka Baahubali 2 gaaray.

Waxaa haatan si rasmi ah shaaca looga qaaday Prabhas filimka uu hogaamiyaha ka yahay Saaho in duubistiisa maalinta berito ah (8 June 2017) duubistiisa ka bilaaban doonto magaalada Hyderabad.

WARAR DHEERAAD AH:

Prabhas ayaa la sheegay inuu tababar ku jiray todobaadyadii ugu dambeesay asigoo dalka Mareekanka ku sugnaa maalinta berito ahna kaamirada hor istaagi doono asigoo 100% u diyaarsan doorkiisa filimka Saaho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Anushka Shetty la jili doonto Prabhas filimka Saaho balse weli si rasmi ah looguma dhawaaqin arinkaan.

Prabhas ayaa iska xiiray garkii uu Baahubali 2 ku jilay haatana wuxuu rabaa inuu waji cusub shaashada lasoo hor istaago waxaana xusid mudan in Saaho yahay filim weyn oo Action ah Prabhas wuxuu ku jilaa door askari awood badan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video