Sheekada Filimka Baywatch: Waad Daawan Kartaa Hadii Priyanka Iyo The Rock Aad Taageero U Tahay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka hadal heynta xooga xambaarsanaa Baywatch sidii la filaayay iyo si u dhow ma noqonin ganacsi ahaan gudaha USA iyo Hindiya sidoo kalena sheekadiisa dhaliil weyn ayaa loo soo jeediyay.

Jilaayaasha filimkaan: Dwayne Johnson, Priyanka Chopra, Zac Efron, Alexandra Daddario, Jon Bass, Kelly Rohrbach, Ilfenesh Hadera

Director: Seth Gordon

Muxuu Ku Wanaagsan Filimka Baywatch: Kaliya Action-kiissa ayaa lagu raaxeesan karaa

Muxuu Ku Xun Yahay Filimka Baywatch: Ma jirto meel laga qaadan karo fariintiisana waa mida ugu liidato!

Daawo Ama Ha Daawanin: Waad daawan kartaa hadii aad Priyanka Chopra taageero dhab ah u tahay ama aad The Rock xiiseysiisid filimadiisa.

Fariinta Filimka Baywatch Xambaarsan Yahay Oo Kooban: Filimkaan waa sheekadii Musal salkii caanka ahaa Baywatch ee 1990 la daawaday asigoo hal filim laga dhigay.

Kooxda ilaaliso xeebta iyo deeganka Baywatch ee loo soo dalxiis tago waxaa hogaamiyo Mitch Buchannon (Dwayne Johnson).

Waxayna kooxdan ka shakinayaan gabadha hantida leh Victoria Leeds (Priyanka Chopra) oo iibsatay dhul weyn oo goobta ku yaalo gaar ahaan goob lagu caweeyo.

Waxay ka shakinayaan kooxdan inay daroogada ka ganacsato Victoria Leeds (Priyanka Chopra), waxayna go’aan ku gaarayaan inay kiiskaan baaraan.

Laakiin waxay ogaanayaan Victoria Leeds (Priyanka Chopra) waxay ay ku lug leedahay inay daroogada ka weyn tahay sidoo kalena deegaanka Baywatch oo dhan halis ku tahay gabadhaan dhagarta badan.

Mitch Buchannon (Dwayne Johnson) shaqada hogaaminta waa laga racadeenaa waxaa lagu badalaa Matt Broody (Zac Efron).

WARAR DHEERAAD AH:

Matt Broody (Zac Efron) isagana wuxuu sii wadaa baaristii uu ka tagay Mitch Buchannon (Dwayne Johnson) si uu halis badan kaga hortago.

Laakiin Matt Broody (Zac Efron) iyo kooxdiisa ilaalada Baywatch halis weyn ayaa soo wajaheyso madaama Victoria Leeds (Priyanka Chopra) ay go’aan ku gaareyso qof walbo oo ka hor imaado inay dil qorsheeshan ku disho!

Hadaba Matt Broody (Zac Efron)  iyo kooxdiisa waxay garab kaaga baahanayaan Mitch Buchannon (Dwayne Johnson  si ay halista Victoria Leeds (Priyanka Chopra) usoo idleeyaan.

Bandhiga Ay Sameeyeen Jilaayaasha Filimka Baywatch:

Priyanka soo jiidasho dheeraad ah ayay leedahay filimkaan, sidoo kalena doorkeeda xumaanta waa midka ugu xiisaha badan filimkaan ee loo daawan karo, laakiin Priyanka waxay mudneyd filim midkaan sheeko ahaan ka wanaagsan inay Hollywood-ka ku af bilaawdo.

Dwayne Johnson iyo Zac Efron iyagana dadaal wacan ayay sameeyeen dhanka ficilada Action-ka iyo qaab jiliinkooda laakiin filim sheekadiisa liidato garbaha laguma qaadi karo!

Nasiib xumo dhamaan gabdhaha kale ama atirshooyinka kale ee filimka Baywatch ku jiraan Ilfenesh Hadera, Kelly Rohrbach iyo Alexandra Daddario dhamaantooda door liito oo aan dib loo xasuusan karin ayay ku leeyihiin filimkaan.

Dhaliisha Loo Soo Jeediyay Filimka Baywatch Sheekadiisa:

Director Seth Gordon wuxuu diirada saaray xeebaha quruxda badan iyo gabdho bilicdooda wacan tahay inuu filimkiisa isugu keeno laakiin sheeko wacan lama imaanin.

Baywatch uma qalmo in filim Hollywood ah lagu tilmaamo madaama tayo ahaan dhinac walbo ka liito waana mid ka mid ah filimada ugu sheekada iyo isku xirka liito ee sanadkaan Hollywood-ka sameeyeen!

Gunaanad:

Baywatch waa filim la iska sameeyay ayadoo xeebaha lagu dalxiisiyo ee diirada lama saarin sameynta fariin adag oo daawadayaasha xiligaan caqliga badan laga gadi karo!

Kooxda filimada qiimeeyaan waxay filimka Baywatch siiyeen hal xidig iyo 5-ta dhibcood ee wax lagu qiimeeyo (1.5/5).

Fikradaha Akhristayaasha (2)

  1. khaalid cade says:

    asc bahda filimside zxp zakariye waxaan ka codsanayaa inaad filimka hum dil de chuke sanam so galiso asagoo afsomaliya sxp codsigeyga I tix gali adoo mahad San




Featured Video