Waa Maxay Sababta Uu Akshay Kumar Ugu Mahad Celinaayo Arbaaz Khan Inuu Waayihiisa Fanka Guuleesto

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Akshay Kumar iyo Arbaaz Khan waa labo jilaa oo Bollywood-ka ka wada tirsan sidoo kalena xushmad gaar ah isku hayaan laakiin aanan ka dhaxeynin shaqo joogto ah.

Balse waxaa daaha laga qaaday in Akshay Kumar uu ku qasban yahay inuu u mahad celiyo Arbaaz Khan oo si dadban sabab ugu ah in Akshay Kumar fanka Hindiya siweyn kaga dhex muuqdo 25-kii sano ee ugu dambeesay.

Todobaadkaan waxaa loo dabaal dagayaa 25-sano markii ay kasoo wareegatay sameynta filimkii Khiladi (1992) ee ahaa Hit-kii ugu horeeyay ee Akshay Kumar sameeyay.

Hadaba labada Director ee Khiladi sameeyeen Abbas-Mastan waxay shaaca ka qaadeen in dooqa kowaad ee filimkooda inuu ahaa Arbaaz Khan, balse markii Arbaaz sameynta filimkaan iska diiday ay Akshay Kumar la saxiixdeen.

Akshay Kumar ka hor Khiladi noloshiisa fanka Hindiya dhulka ayay tiilay mashruuc walbana uu kasoo muuqday wuu guul dareestay dhaliil joogto ahna waa lala daba taagnaa.

WARAR DHEERAAD AH:

Akki Khiladi kadib wuxuu noqday atoore isku filan oo sameeyay aflaan heer sare ah kuwaas oo guulo wacan gaareen ilaa hadaan la jecel yahay.

Arbaaz Khan mar labaad ayuu hadana fanka Hindiya ee Akshay Kumar bad baadiyay madaama uu iska diiday sameynta filimka Dhadkan ee sanadii 2000 la daawaday.

Akshay Kumar intii u dhaxeesay 1997 ilaa 2000 laga soo gaarayay xaalka ayaa ku xumaa inta badana 90% filimada uu sameeyay waxay noqdeen kuwo dhulka galeen ganacsi ahaan.

Hadaba Kumar oo bad baado kale u baahan wuxuu helay filimka Dhadkan asigoo kaga mahad celiyay Arbaaz Khan inuu filimkaan iska diiday.

Dhadkan guul wacan ayuu gaaray laakiin Akshay Kumar doorkiisii wacnaa ayuu amaan lixaad leh ku helay kana caawiyay inuu dib usoo nooleeyo waayihiisa Bollywood-ka.

Wixii Dhadkan ka dambeeyay Akshay Kumar mar sedexaad caawinaad kagama baahanin Arbaaz Khan waayo 2000 ilaa haatan Kumar sare u kac waali ah ayuu sameenaayaa wuxuu gaaray darajada Super Star-nimo sidoo kalena maanta waa atoore kuu damaanad qaadi karo sanadkii inuu sameeyo sedex ama afar filim hadana wada guuleestaan.

Isku soo wada duub Akshay Kumar oo todobaadkaan u dabaal dagayo sanad guuradii 25-aad ee kasoo wareegatay sameynta filimkii Khiladi waa inuu Arbaaz Khan kaga mahad celiyaa sii jiritaanka waayihiisa fanka Hindiya……

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video