Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Salman Khan Ku Faano Wanted Ee Action-ka Wacan Leh

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wanted waa film Action ah oo sanadii 2009 soo baxay sidoo kalena Hit weyn noqday waana filimka awooda Mega Star Salman sare u qaaday xili xidigaan xaalka ku xumaa.

Wanted waa filim mada daalo dhameestiran leh Action, heeso iyo sheeko wacan waana mid ka mid ah filimada ay Bollywood-ka sameeyeen ee aan laga caajiseynin.

Jilaayaasha filimka Wanted: Salman Khan, Ayesha Takia, Prakash Raj, Vinod Khanna iyo Mahesh Manjrekar

Director: Prabhu Deva

Fadlan hoos kaga bogo xaqiiqooyin u gaar ah filimka Wanted oo aan in badan laga ogeyn:

Xaqiiqada 1-aad: Wanted sheeko ahaan waxaa laga soo min guuriyay filimka Telugu ah ee lagu magacaabo Pokiri kaasi oo uu sameeyay Suldan Mahesh Babu sanadii 2006.

Xaqiiqada 2-aad: Filimkaan marka kowaad waxaa la rabay inay sameyso atirishada Asin balse hawlo kale ayay ku mashquushay waxaana booskeeda gashay Ayesha Takia.

Xaqiiqada 3-aad: Aditya Pancholi ayaa laadar ka noqon lahaa filimkaan marka hore balse markii dambe waxaa lagu badalay Prakash Raj (See Rabtaa) oo xitaa qaybta Telugu wax ka jilay filimkaan.

Xaqiiqada 4-aad: Ayesha Takia waxay seygeeda hada la nooshahay Farhan Azmi guursatay markii duubista filimka Wanted socotay, kadibna guurkeeda ayay diirada saartay halkii guusha Wanted gaaray ku suuq gali laheyd.

WARAR DHEERAAD AH:

Xaqiiqada 5-aad: Shah Rukh Khan ayaa markii hore loo soo bandhigay inuu Wanted hogaamiye ka noqdo balse wuu ku gacan seeray sameyntiisa asigoo sheegay sida Mahesh Babu ugu cadaalad falay qaybta Telugu filimka Pokiri inuusan ugu cadaalad fali karin! Wuxuuna sheegay SRK inuusan rabin Copy-gareenta Style-ka u gaarka ah Mahesh Babu.

Xaqiiqada 6-aad: Salman Khan marka uu Wanted sameeyay wuxuu qaatay darajada Bollywood Action Hero madaama Action caalami ah kusoo bandhigay filimkaan weliba waxaa la xaqiijiyay in ficilada halista ah qaarkood uu si toos ah u sameeyay.

Xaqiiqada 7-aad: Vinod Khanna ayaa filimka Wanted ku matalay Salman Khan aabihiis waxaana xusid mudan in sanadii 1992 filimkii ay isla jileen labadaan in Vinod Khanna (Mastaana) iyo Salman Khan walaalo ku mataleen.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga

Filimada Aan Horey Xaqiiqooyinkooda Kaga Soo Hadalnay Fadlan Hoos Kaga Bogo:

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mann Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Ajnabee Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar ah Filimka No Entry Fadlan RIIX HALKAAN

Xaqiiqooyin U Gaar Ah Filimka Mohabbatein Fadlan RIIX HALKAAN

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video