10-Jilaa Oo Bollywood-ka Ka Tirsan Kuwaas Oo Iska Diideen Sameynta Filimada Hollywood Blockbuster Noqdeen Qaybta 2-aad

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaan idiin heynaa warbixin aan kasoo xiganay Business Of Cinema oo looga hadlaayo 10-jilaa oo Bollywood-ka awood ku leh kuwaas oo iska diideen sameynta filimo Hollywood Blockbuster weyn noqdeen.

Lagama hadlaayo in jilaayaasha Bollywood-ka iska diideen filimo Hollywood ah ee waxaa laga hadlaa jilaayaasha Bollywood-ka filimada waa weyn ee caalamka gil gileen kuwaas oo ay sameyntooda iska diideen sidoo kalena Hollywood-ka iska leeyihiin.

Fadlan hoos kaga bogo qaybta 2-aad ee maqaalkaan xiisaha badan iyo fursadaha ay jilaayaasha Bollywood-ka iska lumiyeen oo ay filimo caalami ah ku sameyn lahaayeen:

Hrithik Roshan – The Pink Panther 2: Bollywood Super Hero wuxuu iska diiday sameynta filimka caanka ah The Pink Panther 2, weliba Hrithik aabihiis ayuu la tashtay weyna ku gacan seereen sameynta filimkaan weyn.

Irrfan Khan – Interstellar: Irfan waa jilaa Hollywood-ka ka tirsan laakiin go’aankii uu ku diiday filimka Interstellar ee Christopher Nolan iska leeyahay waala yaabay, waayo filimkaan wuxuu noqday mid hirgalay oo xitaa Oscar loogu tartamay.

WARAR DHEERAAD AH:

Dilip Kumar – Lawrence of Arabia: Bollywood Super Star asigoo 60-maadkii Hindiya dhan ka yaabsaday ayuu iska diiday fursad uu hogaamiye kaga noqon lahaa filimka Blockbuster-ka weyn noqday Lawrence of Arabia (1962).

Dilip Kumar doorkii caanka ahaa ee uu iska diiday waxaa aqbalay sameyntiisa atooraha reer Masar Omar Sharif oo Super Star weyn ku noqday Lawrence of Arabia (1962), weliba filimkaan 7-bilod oo Oscar ah ayaa lagu qaatay!

Hrithik Roshan – Fast & Furious 7: xidigaan waxaa loo soo bandhigay door muhiim ah oo hogaamin u dhigmo inuu FF7 ku yeesho balse wuu ku gacan seeray asigoo sheegay inuusan xiligaan diyaar u ahayn ku biiritaanka Hollywood-ka.

Naseeruddin Shah – Harry Potter Series: ruug cadagaan door walbo sameyn karo wuxuu iska diiday sameynta doorka caanka ah Albus Dumbledore, wuxuuna sameyn lahaa qaybta xiisaha badan Harry Potter – the death of Richard Harris, lamana yaqaan sababta uu Naseeruddin filimkaan weyn ku diiday.

Dhamaad, 

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga.

Hadii aadan aqrisanin maqaalkaan qaybtiisii 1-aad fadlan RIIX HALKAAN

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video