16-Jilaa Oo Magaca Khans Iyo Kapoors Wataan Balse Ku Guul Dareesteen Inay Bollywood-ka Saameyn Ku Yeeshaan Qaybta 4-aad (+Sawiro)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood waa shirkad qofka magaca Khan ama Kapoor wato laga heebeesto sidaa darteed Khans iyo Kapoors waligood fanka Hindiya awood ayay ku heesteen.

Balse waxaan idiin heynaa 16-jilaa oo magaca Khans iyo Kapoors wataan laakiin Bollywood-ka ku guul dareesteen inay saameyn xoogan ku yeeshaan haatana waxay iska noqdeen kuwo aan awood laheyn ama loolanka ka hareen.

Fadlan qaybta 4-aad ee maqaalkaan xiisaha badan hoos kaga bogo caawana 4-jilaa kale ayaa masraxa inoo saaran:

Zareen Khan: Waxaa daaha ka qaaday xidigtaan nolosheeda fanka Salman Khan asigoo kusoo daray filimkii Veer, balse wixii markaas ka dambeeyay wey hana qaadi weesay ilaa haatana aqoonsi buuxo Bollywood-ka kama helin.

Sana Khan: Waxay markii hore magac ku heshay barnaamijka Big Boss kadib Salman Khan ayaa Bollywood-ka kusoo daray asigoo filimkii Jai Ho atirisho kaga dhigay.

Balse nasiib fiican ma yeelanin ilaa haatana aqoonsi buuxo ma helin ama ma noqonin atirisho awood badan xitaa filimkeedii ugu dambeeyay Wajah Tum Ho wuu ka guul dareestay.

WARAR DHEERAAD AH:

Sahil Khan: Waa wiilkii filimka Style sameeyay laakiin filimkaas wixii ka dambeeyay laguma xasuusto, kadib shaqada filim jilista wuu iska dhaafay wuxuuna furtay goob dadka jimicsiga lagu baro oo magaalada Goa ku taalo meelo kalena Gym kale duwan ayuy ka furay gudaha Hindiya.

Aditya Roy Kapur: Noloshiisa Bollywood-ka door caawiye ayuu ku bilaabay laakiin filimkii Aashique 2 ee Blockbuster-ka weyn noqday ayuu aqoonsi ku helay.

Nasiib daro Aashique filim kale uma raaco oo guuleestay wixii markaas ka dambeeyana filim kasto ee uu sameeyay dhulka ayuu galay hadana noloshiisa fanka cadaadis xoogan ayaa saaran.

Dhamaad.

Hadii Aadan Aqrisanin Maqaalkaan Qaybtii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii Aadan Aqrisanin Maqaalkaan Qaybtii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii Aadan Aqrisanin Maqaalkaan Qaybtii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ayan Mohammed Awil says:

    Sana Khan Zareen Khan Iyo Aditya Roy Kapoor Mustaqbaalkooda Ma Xadiidin Kartaan




Featured Video