Gadar Ek Prem Katha Waa La Dhaafay Shabakada Boxoffice India Oo Xaqiijisay In Baahubali 2 Uu Yahay Blockbuster-ka Ugu Weyn Qarnigaan!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday maqaal ay ku cadeesay in filimka Baahubali 2 uu si rasmi ah u noqday Blockbuster-ka ugu weyn ee qarnigaan 21-aad Bollywood-ka sameeyeen.

Hadaba maqaalkaan xiisaha badan ee Boxoffice India soo daabacday Shabakada Filimside ayaa afkaaga hooyo kuugu turjuntay fadlan hoos kaga bogo:

Bahubali 2 – The Conclusion wuxuu noqday Blockbuster-ka ugu weyn qarnigaan asigoo darajo ahaan dhaafay filimkii Hindiya ugu weynaa 17-sano ee ugu dambeesay blockbuster than Gadar Ek Prem Katha (2001).

Baahubali 2 ilaa haatan waxaa tikit u goosteen 50-milyan iyo 210,000 oo qof qaybta Af Hindiga lagu daawanayo oo kaliya wuxuuna dhaafay filimka blockbuster than Gadar Ek Prem Katha (2001) oo horey tikit ugu goosteen 50-milyan iyo 60,000 oo qof waana mudo 5-todobaad ah inta la daawanayo filimka Baahubali 2 ayuu iskoorka Gadar ku dhaafay.

Labadaan filim waa kuwo inta kale ka sareeyaan madaama ay yihiin labada filim ee qarnigaan min 50-milyan oo qof Tikit u goosteen, halka kuwo kalena ay in badan ka hooseeyaan sida Dangal (36-milyan iyo 100,00 ayaa tikit u goosatay)  Bajrangi Bhaijaan 3.54 crore (35-milyan iyo 400,00 ayaa tikit u goosatay) iyo PK (36-milyan ayaa tikit u goosatay).

Baahubali 2 ma ahan Blockbuster-ka ugu weyn ee Hindiya sameeyeen taariikh ahaan qaybta Af Hindiga lagu daawaday waayo waxaa darajo ahaan ka weyn filimka Hum Aapke Hain Kaun oo sanadii 1994 tikit u goosteen 74-milyan oo qof.

Sidoo kalena waxaa jiri karaan filimo kale oo barisamaadkii la daawaday oo Bollywood ah kuwaas oo 80-milyan ilaa 100-milyan oo qof tikit u goosteen.

Sidaa darteed Baahubali 2 waa Blockbuster-ka ugu weyn Hindiya sameeyeen qarnigaan sidoo kalena waa Blockbuster-ka labaad ee ugu weyn Hindiya sameeyeen 25-kii sano ee ugu dambeesay kaliya Hum Aapke Hain Kaun ayaa ka weyn.

Marka laga hadlaayo taariikh ahaan Baahubali 2 waa qasab inuu soo gali doono 10-ka Blockbuster ee ugu weyn ebid Hindiya sameeyeen laakiin safka hore masoo gali doono waxaa laga hadlaa qaybta Af Hindiga lagu daawaday oo kaliya.

Guusha ugu weyn ee Baahubali 2 gaaray waxay tahay in qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo 50-milyan oo qof tikit u goosteen xili filimada Hindiya ku dhibanaayeen 16-kii sano ee ugu dambeesay in la helo xita filim 40-milyan tikit u goostaan!!

WARAR DHEERAAD AH:

Baahubali 2 iskoorka uu dhigay waa hubaal in mudo dheer jiri doono sidoo kalena filimkaan wuxuu ka mid noqday Blockbuster-da halyeeyada lagu tilmaamay (Legendary Blockbusters).

Fadlan hoos kaga bogo 25-kii sano ee ugu dambeesay Blockbuster-dii ugu weynaa oo ay Hindiya sameeyeen ayadoo lagu jaan gooyay lacagaha ay soo xareeyeen xiligaas sicirka 2016, madaama 2017 weli dhamaanin sicirka lacagaha laguma jaan goon karo:

1. Hum Aapke Hain Kaun – 705 Crore

2. Bahubali 2 – 504 Crore qiyaasta xili hore (40-maalmood)

3. Gadar Ek Prem Katha – 482 Crore

4. Dilwale Dulhania Le Jayenge – 458 Crore

5. Raja Hindustani – 390 Crore

Marka aan usoo laabano Baahubali 2 ganacsigiisa guud ee dhamaan luqadaha lagu daawaday waxaa ku dhawaad tikit u goosteen dad 100-milyan oo qof taasi oo ka dhigan in Hum Aapke Hain Kaun laga tikit badan yahay laakiin isku bar bar dhiga wuxuu yahay Baahubali 2 oo 4-luqad lagu daawaday 100-milyan ayaa tikit u goosatay halka Hum Aapke Hain Kaun oo hal luqad lagu daawaday 74-milyan tikit u goosatay.

Hadii aan soo qaadano in Baahubali 4-tiisa luqadood ee lagu daawaday 100-milyan tikit u goosatay hadana weli ma ahan Blockbuster-ka ugu weyn ee ebid Hindiya sameeyeen waayo Mother India (1957), Mughal E Azam (1960) iyo Sholay (1975) in ka badan 100-milyan oo qof ayaa tikit u goosteen xiligoodii ayagoo hal luqad lagu daawaday!

Dhamaad, 

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. cabdiraxmaan says:

    wwwwwwwwwwwwwwwwww
    waa hubaaal inay adkaan doonto in la gaaadho hhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhhh




Featured Video