Kooxda Raabta Neef Ayaa Kasoo Fuuqday Madaama Ay Kiiskii Dacwada Ka Guuleesteen Kooxda Filimka Magadheera

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sushant Singh Rajput iyo Kriti Sanon filimkooda Raabta kooxda sameesay labadii todobaad ee ugu dambeesay dacwad xoogan ayaa lagu soo furay waxaana dacwad kusoo oogeen kooxda filimka Telugu Magadheera iska leh.

Filimka Magadheera waxaa sanadii 2009 wada jileen Ram Charan iyo Kajal Aggarwal wuxuuna noqday All Time Blockbuster sidoo kalena waa filim Classic ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Allu Arvind oo ah soo saaraha filimka Magadheere ayaa dacwad kusoo oogay kooxda filimka Raabta sameesay madaama goos gooska filimkaan lagu soo bandhigay inuu xoogaa u eg yahay sheeko ahaan Magadheere marka laga hadlaayo in Sushant iyo Kriti 300-sano ka hor nooleen jireen dibna usoo baxayaan xiligaan casriga ah.

Dacwada wixii ay socoteyba subaxaan maxkamada Bombay waxay ku dhawaaqday in Raabta uusan ku sheeko ahayn filimka Magadheere oo ay kaliya wadaagaan waqtiga 300-sano ka hor dad noolaanaa oo hada soo dib dunida ugu soo biireen sidoo kalena labadaan filim waxay ku kala duwan yihiin in Raabtaa magaalooyin casri ah lagu sameeyay halka Magadheere uu ahaa filim dhaqanka Hindiya sida saxda ah kaga turjumaayay.

Sidaa darteed ayadoo ka harsan daawashada filimka Raabta mudo 24-saac ah in kooxda filimkaan dacwadii lagu soo oogay la laalay waxay ka dhigan tahay in maalinta Jimcada ah tiyaatarada laga daawan doono filimkaan caqabad la’aan.

Waxaana ka dagay culees weyn kooxda Raabta iska leh gaar ahaan Dinesh Vijan oo Director ka ah sidoo kalena soo saarayaasha filimkan ka mid ah waxaana la maal galinayaan shirkada T-Series iyo Homi Adajania.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video