Ma Ogtahay Arbaz Khan Iyo Sushmita Sen Inee Ahaayen Dooqa Koowaad Ee Doorarka Kala Ah Dev Iyo Sheetal Varma Filimka Dhadkan!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Dhadkan waxaa la daawaday 11 Aug sanadkii 2000 wuxuuna noqday filim guul wacan gaaray dhanka Boxoffice-ka asigoo Average noqday, waxaana hogaamiyaal ka ahaayen Akshay kumar, Sunil Shetty iyo waliba Shilpa Shetty.

Filimkaan waa mid kamid ah aflaamta ugu fiican ee ay Bollywoodka sameyeen qarnigaan cusub, asigoo sheekada filimkaan kusaleesantahay sheeko Jaceyl.

Sunil Shetty (Balwaan), Filimkaan wuxu u yahay filim qaas ah, waana mid kamid ah bandhigyadiisa cajiibka ahaa.

WARAR DHEERAAD AH:

Sunil amaan iyo abaal marin ayuu ku helay doorka Dev oo uu kaga dhabeyay doorkisa, hadaba doorka filimkaan udub dhexaadka u ah Sunil ma heli laheen haduusan Arbaz Khan diidi laheyn.

Filimkaan waxaa Director ka ah Dharmesh Darshan sidaa awged wuxu markii hore doorka Dev ee Sunil matalay la rabay Arbaaz Khan oo xiligaas looga dambeyay doorarka Negative Roleka.

Arbaz wuxu hore u jilay oo uu abaal marin caalami ah ku helay doorkisa laadarnimo ee filimka Daraar, hadaba Arbaz filimkaan ma jilin sababo gaar ah awged.

Sidaa agwed Filimsameyahan asigoon is waalin ayuu Akki saaxiibkis Sunil la saxiixday doorkan adag una dhiibay, waana markii ugu horeysay uu Sunil filim Jaceyl sidaan ookale ah shaashada ugu matalo.

Dhanka kale doorka Sheetal Varma oo matashay Mahima Chaudhry taaso gacanyare u ah Sunil filimkaan, waxaa marki hore lala rabay Sushmita Sen oo iska diiday, sidaa ayena Mahima ku qaadatay muuqalada yar yare e filimkaan laga siiyay.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video