Maxaa Ka Jiro In Filimka Jr NTR Ee Jai Lava Kusa Sheeko Ahaan Laga Soo Min Guuriyay Filimka Ajith Kumar Ee Varalaru

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaa maal Mahaan lis dhax maraayay in filimka Jai Lava Kusa ee hogaamiyaha uu ka yahay Young Tiger Jt NTR sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Ajith Kumar Ee Varalaru.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Jai Lava Kusa ayaa aragtidiisa koowad la soo bandhigay dhalashada Super Star JR Ntr ayaa waqtigaas ka dib aad loo hadal heeyay in filimkaan sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Tamilka ah ee Varalaru.

Haddaba kooxda filimka Jai Lava Kusa ayaa wax aan ka jirin ku tilmaameen in filimkooda sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimka Varalaru kooxda filimkaan ayaana sheegay in Jr Ntr uu filimkaan ku jilaayo seddax wiji inkastoo Ajith uu filimkaas ku jilaayay seddax wiji hadana kooxda filimka Jai Lava Kusa ayaa si cad u sheegay in filimkooda filim kale laga soo min guurin.

Filimka Jai Lava Kusa waxaa director ka ah Bobby halka atariisho ay ka yihiin Raashi Khanna Iyo Niveda Thomas waana mashruuc weyn oo sanadkaan la sugaayo filim sameeye Bobby ayaana hori u sameeyay filimada Mr. Perfect Iyo Sardar Gabbar Singh.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video