Maxaa Ku Dhacay Katrina Kaif Kuma Jirto Kooxda Duubeysa Filimka Thugs of Hindostan?

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Super Star Aamir Khan ayaa bilaabay duubista filimka Thugs Of Hindostan Waxaana Duubista kula soo biiray Mega Star Amitabh Bachchan Iyo atariishada Fatima Sana Sheikh.

Duubista Filimka Thugs Of Hindustan waxay ka socotaa wadanka Malta oo jadwalka koowaad ah lagu duubaayo wadankaas waxaana jadwalka koowaad ee filimkaan lagu soo bandhigi ficilo halis ah.

WARAR DHEERAAD AH:

Haddaba Waxaa laga waayay duubista filimkaan atariishada Katrina Kaif DNA ayaana sheegtay in Katrina Filimka Thugs Of Hindostan ay ku jileyso gabadh dance-ka ku xeel dheer sidaa daraadeed jadwalka koowaad kama soo muuqan doonto atariishadaan.

Dhinaca kale Katrina ayaa ku mashquulsan filimkeeda Tiger Zinda Hai Iyo Filimkeeda kale Jagga Jasoos Oo la daawan doono 14 July 2017 kulana wehliyo Ranbir Kapoor.

 

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video