Rasmi: Shah Rukh Khan Iyo Anushka Sharma Oo Filimkooda Ugu Dambeyn Magac Loo Helay!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wixii waxbadan magac aanan sax aheynba loogu yeero ugu dambeyn waxaa lagu dhawaaqay magaca filimkaan.

Filimkaan ayaa markii hore loogu yeeri jiray magacyo ay saxaafada iyo dadka u baxsadeen sida The Ring iyo kuwa kale balse Illo ku dhow dadka filimkaan iska leh aya xaqiijiyen magaca filimkaan.

Jab Harry Met Sejal waa magaca rasmi ga ah ee loo bixiyay filimkaan kaaso micnihiisu yahay (Goortii Uu Harry Lakulmay Sejal) Harry waxaa loogu yeeri doona SRK Halka Sejal na loogu yeeri doono Anushka.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimkaan waa filim jaceyl ah waxaaana Director ka ah Imtiaz Ali, waxaaana la daawan doona sida lashegay balse aanan wali sifiican loo hubin Bisha Aug 11 keeda.

Kaaso ay isku dhici doonan hadii si rasmi ah loo saaro taariikhdas filimkaan, filimka kale ee Akki hogaamiyaha ka yahay ee Toilet: Ek Prem Katha.

Waxaana bari lasoo bandhigi doona aragti cusub oo filimkaan ah iyo magaca aan idiinshegnay oo lagu xusi doono kaartada filimka.

Dhanka kale goos-gooska filimkaan waa diyaar waxaana la sugaaba waa xiliga la daawan doono goos- gooska filimkaan maadama duubistiisa lasoo gabagabeyay.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. Ayan Mohammed Awil says:

    Jab we met goortaynu kulanay Oo kale weeyaba

  2. Mohamed Ahmed Abdi says:

    waan sugaaya filmkaas walibo si wacan goos gooskiisane soo dadajiye fadlan waxaan ahay Die Hard fans of SRK The Baadshaah of Bollywood

  3. ramos says:

    the biggest movie star on earth wan sugi lahay jab we met insha Allah dhulka ku dari doona toilet ek prem




Featured Video