Shabakada Boxoffice India Wey U Cabsi Qabtaa Filimka Raabta Waxaana Ka Guuleesan Doono Filimka The Mummy

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Maalinta berito ah Jimco 9 June 2017 waxaa tiyaatarada la saari doonaa filimka Bollywood-ka ah Raabta oo ay hogaamiyaal ka yihiin Sushant Singh Rajput iyo Kriti Sanon.

Hadaba ayadoo ka harsan tahay daawada filimkaan mudo saacado ah shabakada Boxoffice India ayaa soo daabacday maqaal ay cabsi kaga muujineyso in filimka Raabta oo Boxoffice-ka gudaha Hindiya kaga awood badin doono filimka Hollywood-ka ah The Mummy ee hogaamiyaha ka yahay Tom Cruise.

Maqaalka ay Boxoffice India soo daabacday sidoo kalena shabakada Filimside Afkaaga hooyo kuugu fasirtay fadlan hoos kaga bogo:

Todobaadkaan waxaa tiyaatarada ku tartami doonaan filimka Hindiga ah Raabta iyo filimka weyn ee Hollywood-ka ah The Mummy, mana noqon doonto wax lala yaabo hadii The Mummy uu maalinta kowaad ka lacag badiyo filimka Raabta. Raabta ayaa tiyaatarada ugu badan la saari doonaa laakiin midaas kama caawin karto maalintiisa kowaad inuu ganacsi adag sameeyo madaama filimkaan siweyn loo sugeynin.

WARAR DHEERAAD AH:

Waxaa jirtay dood ku aadan in Raabta sheeko ahaan laga soo Copy gareeyay qaybo ka mid ah filimka Telugu Magadheere ee Blockbuster-ka weyn noqday balse labadaan filim aad ayay u kala duwan yihiin, madaama Magadheere dhaqanka Hindiga ku saleesnaa halka Raabta filim reer Galbeedka lagu soo duubay yahay fariintiisana dadka reer magaalka loogu tala galay.

Dhibaatada jirta waxay tahay dadka waxay ku wareereen goos gooska filimkaan oo aan si waadix ah loo fahmin fariintiisa, sidoo kalena uma eko filim Hindi rasmi ah oo leh astmaaha dadka Hindiga soo jiidan karo.

Waxyaabaha Raabta caawin karo waa in heesihiisa wanaagsan yihiin gaar ahaan heesihiisa Waqooyiga ah kuwaas oo ka caawin karaan in Delhi iyo East Punjab laga soo dhaweeyo, laakiin midaan wax weyn kama caawin karto filimkaan madaama Sushant Singh Rajput uusan ahayn atoore awoodiisa weyn tahay oo Waqooyiga Hindiya taageero ku leh.

Waxaa jiro filim kale oo Bollywood ah kaasi oo isna tiyaatarada la saari doono todobaadkaan waana Behen Hogi Teri waxaana hogaamiyaal ka ah Rajkumar Rao iyo Shruti Haasan laakiin waa filim wax tikit ah loo iibsanineyn hadal heyntiisa aad u liidato la yaabna ma noqon doonto hadii uu ku biiro liiska filimada sanadkaan sida sahlan ku bur bureen!

Ugu dambeyntii filimka The Mummy tikit yadiisa siweyn ayaa loo iibsanayaa waxaana haatan sida hordhaca ah la qiyaasaa inuu Boxoffice-ka ku garaaci doono filimka Raabta.

Raabta ganacsi fiican wuu sameyn karaa hadii sheekadiisa ay noqoto mid heer sare ah balse ilaa hada midaas ma muuqato inkastoo daawadayaasha wax walbo xugmin doonaan sedexda maalmood ee nagu soo fool leh

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. m.Guursade says:

    fadlan filimside sheekada filimka raabta nala wadaaga…




Featured Video