Akshay Kumar Oo Kacdoonka Musqulaha Kaartadan Ayadoo Labo Maalmood Ka Harsan Tahay Daawashada Goos Gooska Toilet: Ek Prem Katha

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Goos Gooska Filimka Toilet: Ek Prem Katha 11-ka Bishan June Ayaan Daawan Doonaa!

Hadaba Super Star Akshay Kumar ayaa bilaabay kacdoonka musqulaha asigoo soo bandhigay kaartada sare ka muuqato oo hadal heyn xoogan abuurtay.

Kaartada Akshay Kumar filimka Toilet: Ek Prem Katha kasoo bandhigay waji ahaantiisa carro ayaa ka muuqato sidoo kalena gacanta midig ku heestaa feynuus iyo weelka yarka ah ee biyaha lagu shubto marka ay Hindida musqulaha kusoo xaajo gudanayaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Akshay Kumar filimkiisa Toilet: Ek Prem Katha wuxuu ka hadlaa in Hindiya oo dhan hesho musqulo nadiif ah sidoo kalena goobaha dadka ku badan yihiin la geeyo musqulaha guur guuraan si loo yareeyo wasaqda meel walbo lagu shubo ama goobaha dayacan oo ay dadka ku xaajo gutaan.

Akshay Kumar bishii hore wuxuu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi asigoo kala hadlay sidoo musqulaha guur guuro meel walbo oo dadka ku badan yihiin loo dhigi lahaa.

Ra’iisul Modi ayaa ka helay fariinta filimka Toilet: Ek Prem Katha wuxuuna sheegay inuu yahay filim bulshada wacyi galinaayo sidoo kalena arin loo baahan yahay ka hadlaayo.

Filimka Toilet: Ek Prem Katha waxaa la daawan doonaa 11-ka August 2017 waana filim siweyn loo wada sugaayo balse goos gooskiisa ayaaba haatan la sugi weesan yahay, iskuna diyaari labo maalmood kadib daawashada goos gooska filimkaan fariinta waaqiciga ah xambaarsa.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video