Boxoffice Update: The Mummy Oo Ka Bilaabasho Wanaagsanaaday Filimada Raabta Iyo Behen Hogi Teri

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sidii la filaayay filimka Hollywood-ka ah The Mummy ee hogaamiyaha ka yahay Tom Cruise ayaa ka bilaabasho wanaagsanaaday filimada Bollywood-ka ah Raabta iyo Behen Hogi Teri.

Filimka The Mummy oo la saaray 1600 tiyaatar gudaha Hindiya ayaa ku furmay 25% dhamaan marka la isku daro luqadaha kala duwan ee lagu daawanayo (English, Hindi, Tamil, iyo Telugu).

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Raabta oo ay hogaamiyaal ka yihiin Sushant Singh Rajput iyo Kriti Sanon ayaa ku furmay si liidato oo ah  15% inkastoo filimkaan la saaray 1820 tiyaatar.

Filimka Behen Hogi Teri oo ay hogaamiyaal ka yihiin Rajkumar Rao iyo Shruti Haasan ayaa ku furmay subaxaan xiliga Hindiya si aad u hooseyso wuxuuna ku furmay 5% ilaa 10% waxaana filimkaan la saaray 757 tiyaatar.

Sida muuqato filimada Raabta iyo Behen Hogi Teri waxaa maalinta kowaad ka ganacsi badnaan doono filimka The Mummy markalena Bollywood-ka waxaa gurigooda ku garaaci rabo filim Hollywood ah!!

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video