Famous Roles: Xidigaha Bollywoodka Iyo Doorarkii ugu Caansana Oo Ay Iska Diideyn Qeybtii 5-aad!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waa wax marwallba iska dhaca inee diidan Bollywoodka atoorayasha iyo atariishoyinka ugu caansa ee iska diidan doorar caana ah.

Hadaba waxaan barteeda kasii wadeena maqaalkeena aan oga hadleenay xidigaha caanka aha iyo doorarkii caanka ahaa ee ay iska diideyn.

Hritik Roshan:

Bollywood Super Hero Hritik Roshan wuxuu iska diiday door caan ah doorkaso ah Filimka Swades inuu hogaamiye ka noqdo.

Filimkaan Hritik wuu iska diiday asigoo cadeynin sababta rasmiga ah balse loo badiyay in uusan doorka kahelin ama mashquulo mashaariic kale ah aawged.

Laakiin HR waxaa la dhihi karaa wuu fududaadey waayo SRK filimkaan amaan balaaran ayuu kuhelau asigoo waliba ku guuleytay abaal marinta atooraha ugu fiican ee Shirkada Filimfire bixiso doorkisa wacnaa awged.

Aishwarya Rai Bachchan:

Aish aflaam fara badan aye iska diiday kuwaso ay darajo said ah kuheli laheed waxaa kamid ah aflaamra ugu waaweyn ee diiday Raja Hindustani, Main Hoon Na, Chalte Chalte iyo kuwa kale.

Hadaba markaana waxay diiday filimka Dostana doorka Priyanka Chopra qaadatay, waxaana markii hore la rabay in filimkaan ay wada jilaan Abhishek, Aishwarya iyo waliba Saif Ali Khan.

Aish iyo Saif ba wey mashquulsanaayen sidaa awged booskoda waxaa lagu kala badala PeeCee iyo John Abraham.

WARAR DHEERAAD AH:

Anushka Sharma:

Anushka Sharma ayaa iska diiday mid kamid ah Imtiaz Ali aflaamtisa ugu fiican Tamasha kaaso ahaa filim jaceyl ah oo ay wada jileen Ranbir Kapoor iyo Deepika Padukone.

Balse waxa lashegay in Deepika kahor loo bandhigay Anushka doorkas balse ay iska diiday sidaana aya ku qaadatay xidigta Deepika doorkas.

Salman khan:

Chak De India waa filim fariin adag xambaarsan, wana filimka kaliya o uu SRK ugu tartamay bilada ugu qaalsian ee atoore lasiiyo National Fiim Award, balse kuma guuleysan.

Taa bilcagsigeeda wuxuu ku guuleytay bilada labaad ee India ugu qaalisan taaso lasiyoo xidigaha ku guuleysta waa shirkada Filimfire Awards qeybteeda atooraha ugu wanaagsan.

Sidaa awged Sallu hadii uu filimkaan jili lahaa dabcan doorkisa biladaaas wuu muteysan lahaa, maadama SRK kahor asiga loo bandhigay filimkaan.

Vivek oberoi:

Wuxuu iska diiday filimka caanka ah ee Hum Tum, laakiin Saif ayaa si fudud ku qaatay filimkaan oo heersare ka dhigay.

Waa mid kamid ah aflaamta uu Saif ku faani doono abid, Vivek aad baad u mahadsantahay dheh maadama Saif sifiican oga baxsaday doorkas wacan.

Lasoco Qeybta Xigta Ee Maqaalka waa mid xiiso leh:

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video