La Yaab: Hindi Medium Oo Noqday Filimka Labaad Ee Todobaadka Sedexaad Lacagaha Ugu Badan Sanadkaan Soo Xareeyo!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Wax walbo oo amaan iyo guul aan horey kaga sheegtay Irfan Khan iyo Sabba Qamar filimkooda Hindi Medium waxaa ka weyn todobaadkiisa sedexaad guusha uu ku talaabsaday.

Shabakada Boxoffice India ayaa xaqiijisay in in Hindi Medium uu si rasmi ah u noqday filimka labaad ee todobaadka sedexaad sanadkaan 2017 lacagaha ugu badan soo xareeyo kaliya Baahubali 2 ayaa todobaadka sedexaad ka lacag badan!

Filimka Hindi Medium todobaadkiisa sedexaad wuxuu keenay 11.75 Crore (Trade Figure) taasi oo ka dhigan wadartiisa guud mudo sedex todobaad inuu Boxoffice-ka kasoo xareeyay 53 Crore (Trade Figure) sidoo kalena mar hore aya la xaqiijiyay inuu Hit yahay.

Waxaa la yaab ah in Hindi Medium uu todobaadkiisa sedexaad uu ka lacag badiyay filimka Hit-ka noqdeen sanadkaan sidoo kalena 100 Crore ka badan soo xareeyeen Badrinath Ki Dulhania iyo Jolly LLB 2.

Hindi Medium oo amaan weyn lagala dul dhacay waxaa haatan canshuurta laga dhaafay gobolo badan taasi oo ka dhigan in cimri ahaantiisa filimkaan 60 Crore soo xareen doono.

WARAR DHEERAAD AH:

Fadlan hoos kaga bogo mudo sedex todobaad Hindi Medium ganacsiga uu sameeyay sida shabakada Boxoffice India soo daabacday:

Todobaadka kowaad – 23.25 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 18.37 Crore (Rasmi)

Todobaadka sedexaad – 11.75 Crore (Qiyaasta xili hore)

Wadarta Guud – 53.37 Crore (Trade Figure)

Hambalyo Irfan Khan iyo kooxda filimka Hindi Medium madaama guul weyn oo aan la fileyn gaarteen…………………….

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video