Madadaalada Maanta: Nin Bakhiil Ah Iyo Martidii U Timid (Sheeko Qosol Badan) (Funny Time)

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Kusoo Dhowaada Aqristayaal Barnaamijkeeni Madadaalada Maanta oo aan ugu talo galnay aqristayasha inee kaga bogtaan sheekoyinka Funny ga ah.

Hadaba markaana waxaan idin soo gudbineena nin bakhiil ahaa oo maalin looso martiyay ka bogosho wacan.

Nin Bakhiil ah Oo gacan adag waxbixinta ku xun ayaa maalin maalmaha kamid ah waxaa u yimid nin Marti uu aad u qiimeynayo.

Wiilkiisii yaraa buu u yeeray oo u sheegay inuu Suuqa kasoo iibiyo Hilibka ugu fiican, Wiilkii wuxuu Saacado maqnadaba wuu soo noqday isagoon Hilib wadin.

Odaygii baa yiri ”War maxaad Hilib u keeni wayday?” Wuxuu Wiilkii ku jawaab celiyay,”Aabe waxaan u tagay Hiliblaha oo ku iri Hilibka ugu fiican ee kuu yaala keen. Wuxuu Hiliblihii iigu jawaabay, Hilib waxaan ku siinayaa fiicnaantiisa darteed aad moodeyso Burcad ama Farmaajo.

WARAR DHEERAAD AH:

Waxaan ku dhahay war hadeyba saas tahay maad Farmaajada lafteeda soo iibsatid, ninkii Dukaanka baan waydiiyay inuu Farmaajo aad u macaan i siiyo, markaasuu i yiri waxaan ku siinayaa Farmaajo aad macaanteda moodeyso Malab.

Isla markii bay igusoo dhacday Maad bal Malabka qudhiisa iibsatid. War Malab wanaagsan isii baan dhahay kii malablaha ahaa wuxuu igu yiri Malab waxaan ku siinayaa Sidii Biyaha Muweesaxada u saafi ah.

Intaa kadib waxaan isdhahay hadeeba sidaa tahay Biyaha Muweesaxada lafteedaa Gurigiine taalaye maad iyada Martida siisid, Sidaas baan Guriga ugusoo noqday aabe.”

Aabihii oo Awalba Wax bixintu ku adkeyd ayaa Wiilkiisii ku yiri, “Alloow Alle!! Walee Caqliga iyo Ragganimada anigaa kugu dhalay ee Allaha ku dhaafo”

Laakin mar kaluu Aabihii Wiilkiisa la hadlay oo yiri (“ wax kasta waxaa nooga daran intii aad Suuqa wareegeysay sow Kabihii cusbaa ee aan kuusoo iibiyay kaama dhamaan. Taasaaba dhib inoogu filan.”

Wiilkii oo Qoslaya ayaa Aabihiis dhagta ugu sheegay wuxuuna yiri asigoo hadlaayo “Aniga miyaa Caqliga La’ Aabe Waxaan gashanaa Kabaha Ninka Martida noo ah.”

Waxaaso sheeko ah oo dhexmareysay odayga iyo wiilkiisa ninkii martida ahaa wuu maqlaayey yaaab kkkkk.

Fikradaha Akhristayaasha (3)

  1. RAEES says:

    Kkkkkkkkk tan wan maqlay cadi maha

  2. nimco cadey says:

    hhhhhjjjh yaap thanks

  3. injiner haadi says:

    kkkkkkķkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk




Featured Video