Rasmi: Filimka Sachin – A Billion Dreams Ganacsiga Uu Sameeyay Mudo Labo Todobaad Iyo Natiijadiisa

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Halyeega cayaarta Cricket-ka looga haray Sachin Tendulkar filimka noloshiisa looga hadlaayo ee Documtary-ga ah Sachin – A Billion Dreams ayaa ganacsigiisa hoos u dhacay todobaadkiisa labaad.

Sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay filimka Sachin – A Billion Dreams qaybtiisa Af Hindiga lagu daawanayo todobaadkiisa labaad wuxuu keenay 6.75 Crore taasi oo ka dhigan mudo labo todobaad inuu soo xareeyay 41 Crore (Trade Figure).

Sidoo kale filimka Sachin – A Billion Dreams lacago 8 Crore dheeraad ah wuxuu ka keenay qaybtiisa Af Tamil Telugu, Marathi iyo Ingiriis lagu daawaday.

Sida guud filimka Sachin – A Billion Dreams natiijo ahaan waa Average madaama uu lacagtiisa soo celiyay waayo filimkaan 8 Crore ayaa lagu sameeyay laakiin 20 Crore ayaa lagu siiyay kooxda cajaladaha qeybiyaan taasi oo ka dhigan lacagtii ka gashay inay dib ugu soo laabatay weliba asigoo ahayn filim heeso, Action ama madadaalo leh kaliya magaca Sachin Tendulkar ayuu ku gadmay.

WARAR DHEERAAD AH:

Fadlan hoos kaga bogo filimka Sachin – A Billion Dreams lacagaha uu keenay mudo labo todobaad ah:

Todobaadka kowaad – 34.52 Crore (Rasmi)

Todobaadka labaad – 7 Crore (Qiyaasta xili hore)

Wadarta Guud – 41.27 Crore (Trade Figure) Qaybta Af Hindiga Lagu Daawanayo

Wadarta guud filimka Sachin – A Billion Dreams ganacsigiisa Af Hindiga lagu daawanayo iyo dhamaan luqadaha kale marka la isku daro filimkaan wuxuu haatan mara 49.27 Crore (All India Business).

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video