Rasmi: Markii ugu Horeysay Oo Ay Shaashada Wadaagi Doonan Ram Charan Iyo Samantha Ruth Prabhu Iyo Magaca Filimka Oo La helay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Mega Power Star Ram Charan Teja ayaa ku guda jira duubista filimkiisa 11-aad kaaso laga soo min guuriyay sheekada filimka buuga Sukumar.

Waxaa xusid mudan Samantha iyo Ram Charan inuu yahay filimkoodi ugu horeyay eek u midoowan, taagerayasha labadan xidig aad aye ugu farxeen wada jirka labadooda shaashada iska soo muuqanayan.

Hadaba dadka filimkaan iska leh aya kudhawaaqeyn magaca filimkaan ayagoo u bixiyeen Ranagasthalam 1985.

WARAR DHEERAAD AH:

Waa sheeko horey udhacday 80 maadkii oo filim ahaan lo sameynaayo, dhanka kale Ram Charan filimkiisi udambeyay wuxu ahaa Dhruva oo ay la hogaamineysay Rakul Preeti Singh.

Waxayna taagerayasha markaan ku arki doonan xidigaan awooda leh waji cusub maadama Stylekii ay ku yaqaanen meesha ka baxaaayo filimkaan uuna nin reer baadiyo ookale ah ama dharkii hore ku labisan doono.

Ram Charan dhaman aflaamtisa wey iska yaryihiin taaso taagerayashisa ay kudhaliilaan xidigaan, balse asiga howshiisa ugu badan ma aha filim jilis ee waa ganacsi maadama uu yahay nin ganacsade ah.

Waxaa lashegay in filimkaan la daawan doono sanadka nagu soo aadan 2018 balse waxaa lasii shegaya in ay isku dhici doonan aflaam ay kalawataan xidigaha waweyn sida Mahesh Babu oo gooni filim u wato iyo Allu Arjun oo gooni filim uwato.

Waana iskudhaca ugu weyn ee Telugu dhexmari doono 2018 sababto ah 3 xidig oo awood ahaan fanka awood kuleh ayaa aflaamtoda hal maalin tiyaatarada la isla saara waa wax aan caadi aheyn.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video