Shraddha Kapoor Ma Dooneyso In Tiger Shroff Iyo Disha Patani Mar Labaad Dhaxdooda Gasho

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Marnaba lama iloobi qaabka wacan ay u sameeyeen Shraddha Kapoor iyo Tiger Shroff filimka Baaghi oo sanadkii hore la daawaday guul weyn-na gaaray.

Haddaba Filimkaana oo atariisho looga dhigay Disha Patani ayaa warbaahinta Shraddha Kapoor waxa ay weydiisay in ay jecleed in mar labaad filimkaan Tiger Shroff la sameyso Shraddha ayaa sheegtay inay jecleed sameynta filimkaan laakiin ma doonaynin in mar labaad Tiger Shroff Iyo Disha Patani Dhaxdooda Gasho.

WARAR DHEERAAD AH:

Maadaama atariishada Disha Patani aheyd dooqa kooowaad ee filimka Baaghi waxaana lagu badalay Shraddha laakiin Disha ayaa calaf u yeelatay sameynta filimka Baaghi 2 oo kusoo daray saaxiibkeeda Tiger Shroff.

Sidoo kale Sajid Nadiadwala ayaa go’aan ku gaaray in filimkaan ugu danbeyn atariisho uga dhigo Disha Patani waxaana xiiso leh in labadaan lamaane lisku xanto in filimka Baaghi 2 wada sameyn doonan.

Baaghi 2 ayaa ka mid ah filimada Tiger Shroff soo wado midka ugu hadal heynta sareeyo maadaama jilaagaan lawada jacel yahay dadka kaga yaabsaday filimkaan qeybtiisa koowaad ee Baaghi.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video