Farhan Akhtar Oo Filimkiisa Xiga Feeryahan Ku Matali Doono Waxaana Iska Leh Director Mohit Suri

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Atooraha door walbo sameyn karo Farhan Akhtar waxaan horey idin kula wadaagnay inuu filim u sameyn doono Director Mohit Suri.

Haatan waxaa la xaqiijiyay Director Mohit Suri filimkiisa xiga Kadib Half Girlfriend waxaana hogaanka masuuliyada filimkaan loo dhiibay Farhan Akhtar.

WARAR DHEERAAD AH:

Farhan Akhtar ayaa filimkaan feeryahan ku matali doono sidoo kalena wuxuu ku jilaa aabo iyo wiilkiisa xiriirka ka dhaxeeyo waana filim qiiro badan.

Director Mohit Suri ayaa sheegay inuu dalka Mareekanka aadi doono 23-ka bishan June sidoo kalena labo todobaad ayuu ku maqnaan doono marka uu soo laabto ayuu ka hawl gali doonaa filimkaan.

Farhan Akhtar ayaa jir ahan doorkiisa isku diyaarinaayo asigoo ku jilaayo aabo nolosha la halgamaayo oo 36-jir ah una joogo wiil uu aad u jecel yahay uusan wax walbo u sameyn karin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video