Ranbir Kapoor “ Waxay aheyd Goaan Wanaagsan Oo Caqli Gal Ah In Dib Loo Dhigo Filimka Dutt Noloshiisa Looga Hadlaayo Xiliga La daawanayo”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ranbir Kapoor wuxuu hogaamiye ka yahay Filimka Sanjay Dutt noloshiisa looga hadlaayo kaaso markii hore la qorsheeyay in uu loolan culus la galo Filimka Salman khan ee Tiger Zinda Hai.

Sido kale Ranbir wareysigii lala yeeshtay xili uu soo bandhigay hees kamid ah heesaha filimkiisa Jagga Jasoos waxaa la weydiyay waxyaabo badan asigoo xitaa shegay in TZH uu yahay Filimka sanadkaan ugu weyn.

Markii hore filimsameye Rajkumar Hirani wuxuu rabay in filimkaan la daawado Dec sido kalena ay isku dhacayaan Tiger Zinda Hai.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse goaankas waxaa bedeleen kooxda filimkaan maal galisay kuwaaso March 2018 u bedeleen ayagoo dib ugurasho sameyay iskana ilaalinaya inee isku dhacaan labo filim oo waaweyn.

Hadaba Ranbir suaalahi la weydiyay waxaa kamid aheyd waxa fikirkiisa ah kaaso ku aadan in uu filimkaan uu hogaamiyahay ka yahay dib loo dhigay asigoo jawabaya wuxuu yiri, “Sida caadada ah Filim walbo calafkiisa ayuu cunaa shaqsi walbana oo filim sameynaayo wuxuu jecelyahay bandhig wacan oo dadka daawanaya filimkaas kawada heli karaan inuu sameyo.

Aniga shaqo kuma lihi dib udhiga filimka waayo dadka filimkaan qarash gareyasha ah ayaa goaankas gaaren, dabcan Waxay aheyd Goaan Wanaagsan Oo Caqli Gal Ah In Dib Loo Dhigo Filimka Dutt Noloshiisa Looga Hadlaayo Xiliga La daawanayo.

Balse waxaan hubaa in Tiger Zinda Hai uu yahay filimka ugu weyn aflaamta sanadkaan la sameyn doono oo dhan.

Dhanka kale Ranbir waxa u hada ka howl wadaa filimka Jagga Jasoos kaaso ay la hogaamineyso Katrina Kaif waxaana la daawan doona 14 July.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. Ayaan Ali shire says:

    Waa fikir fiican I dib loo dhigo hadii kale kharaase WAYN ka soo gaarida doonta haday Sallu LA tartamaan




Featured Video