Ranbir kapoor Wuxu Rabaa In Filimkiisa Jagga Jasoos Ku Guuleysto Abaal Marinta Filimka Ugu Fiican Sanadka!!

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Jilaaga Ranbir Kapoor waa shaqsi aad iyo aad cajiib u ah wuxuuna soo bandhigay qaab jiliinkii awoowgiis Raj Kapoor waxaana laga xasuusta bandhigiisa wacnaa xidigaan Ranbir Filimada kala ah Barfi!, Rockstar iyo waliba Tamasha.

Haatan waxaa u diyaarsan filimkiisa Jagga Jasoos kaaso uu wacdaro cajiib ah kusoo bandhigi doono, Ranbir Suaalo badan ayaa la weydiyay balse ugu horeyn wuxuu ka hadlay awoowgisa Raj Kapoor.

Waxaan aad iyo aad ugu faanaya manta inaan ahay Raj Kapoor wiilkuu awoowga u ahaa, dhab ahaanti waan tabay awoowgey waana kufaraxsanahay inuu noqday Awoowgey Raj Kapoor.”

WARAR DHEERAAD AH:

Asigoo ka hadlaayo doorka filimkiisa wuxuu yiri,” doorkeyga filimkaan waa door ay dadka in badan ka helo doonan waa hubaal sababto ah inbadan ayaan dadaal ugalay, waxaan horey usameyay aflaam jaceyl ah balse waligey horey uma sameynin sheeko kahadleyso aabo iyo wiilkisa xiriir kadhaxeeya.”

Markii wax laga weydiiyay rajada uu ka qabo filimkiisa Jagga Jasoos wuxuu ku jawabay,” waa filim aad u cajiib ah waana hubaa inaa kaheli doontaan.

Markii aan shirkadaan soo galay, waxaan ku riyoonjiray inaa ku guuleysto abaal marinta atooraha ugu fiican, balse markaan waxaan rajeyna in filimkeyga Jagga Jasoos noqon doono filimka sanadkaan ugu fiican.”

Jagga Jasoos waxaa hogaamiyaal ka ah Ranbir Kapoor iyo Katrina Kaif waxaana la daawan doona 14 July ee sanadkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video