Rasmi: Filimada Raabta, The Mummy Iyo Behen Hogi Teri Maalinta 1-aad Lacagaha Ay Soo Xareeyeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Sushant Singh Rajput iyo Kriti Sanon filimkooda Raabta ayaa si aad u liito ku bilaawday madaama uu maalinta kowaad soo xareeyay 4.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay walow kooxda filimkaan iska leh shaaca ka qaadeen in maalintiisa kowaad uu keenay 5.61 Crore (Producer Figure).

Raabta wuxu u baahan mucjiso si uu Boxoffice-ka baaqi ugu sii ahaado ama u bad baado waxaa laga rabaa 60% ilaa 70% sare u kac inuu sameeyo maalintiisa labaad waana arin aad u adag.

Raabta dadka wey ku jah wareereen filim ahaan fariintiisa waxaana loo soo jeediyay dhaliil xoogan sidoo kalena kooxda iska leh qasaaro xoogan ayay la kulmi doonaan marka laga cabir qaato maalintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyay.

Sushant Singh Rajput ma lahan awood uu dadka kusoo jiidan karo (Star Power) waayo kooxda Raabta iska leh fikrad qaldan ayay iska dhaadhiciyeen madaama ay aamineyn Sushant filimkiisii ugu dambeeyay M.S. Dhoni – The Untold Story maalintiisa kowaad 20- Crore uu keenay xidigaan sabab u ahaa.

WARAR DHEERAAD AH:

Balse xaqiiqada sidaas ma ahan filimkii M.S. Dhoni – The Untold Story inuu 20 Crore maalinta kowaad keeno sidoo kalena cimri ahaantiisa 100 Crore dhaafo waxaa sanadkii hore sabab u ahaa MS Dhoni kabtana xulka Hindiya cayaara Cricket-ka oo filimkaan noloshiisa looga hadlaayay.

Sushant Singh Rajput il gaar ah ayaa lagu haayay halka awoodiisa atoore gaarsiin tahay waxaa la aaminsanaa in Raabtaa ugu yaraan 8 Crore ku furmi karo laakiin xaqiiqada midaas ma ahan wiilkana wado dheer ayaa sugeyo inuu noqdo atoore wax gadi karo.

Dhinaca kale filimka Behen Hogi Teri ee hogaamiyaasha ka yihiin Rajkumar Rao iyo Shruti Haasan ayaa si bur bur ku furmay maalintiisa kowaadna wuxuu keenay 25 Lakh ilaa 30 Lakh u dhaxeyo waana u dhamaatay filimkaan rajo dambena lagama qabo.

Ugu dambeyntii filimka Hollywood-ka ah The Mummy ee Tom Crusie hogaamiyaha ka yahay ayaa maalinta kowaad gudaha Hindiya ka keenay 3.50 Crore (Trade Figure) waana filimkaan ganacsigiisa hoos u dhigay in gudiga filimada Hindiya faaf reebaan filimkaan xili dambe siiyeen shahaado ah inay daawan karaan dadka da’dooda ka weyn tahay 18-sano oo kaliya.

Hindiya ayaa noqotay dalka kaliya ee filimka The Mummy siiseyso shahaado ganacsigiisa xadideyso halka dunida inteeda kale la siiyay filimkaan shahaado in qof kasto oo waalid la socdo ama qaan gaar ah daawan karo sidaa darteed filimkaan qoysas badan oo gudaha Hindiya daawan lahaa ayaa ka baaqsadeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video