Rasmi: Neil Nitin Mukesh Oo Bilaabay Duubista Filimka Saaho Ee Prabhas Hogaamiyaha Ka Yahay

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Waxaan horey idin kula wadaagnay in Neil Nitin Mukesh uu laadar awood badan ka yahay filimka Saaho ee hogaamiyaha ka yahay Prabhas waana filim Telugu ah.

Haatana waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in Neil Nitin Mukesh uu bilaabay duubista filimka Saaho wuxuuna Niel soo dhigay qoraalkaan barta Twitter-ka “Wey bilaabatay duubista Saaho maalinta 1-aad ayaan ka qayb galayaa”

WARAR DHEERAAD AH:

Filimka Saaho waxaa Director ka ah Sujeeth oo sheegay in mashruucan lagu sameyn doono ku dhawaad 150 Crore sidoo kalena sameyntiisa farsamo ahaan iyo Action ahaan ka qayb qaadan doonaan quburo Hollywood ah.

Jadwalka duubista kowaad filimka Saaho magaalada Hyderabad ayay ka bilaabatay kadib waxaa xigi doono in kooxda filimkaan u safro doonto Abu Dhabi waxana sii xigi doonto in qaar ka mid ah magaalooyinka Yurub ugu caansan lagu soo duubi doono.

Filimka Saaho sidoo kale luqadaha Tamil, Hindi iyo Malayalam ayaa lagu daawan doonaa waana filim weyn oo la sheegay in Anushka Shetty atirisho ka noqon doonto balse weli si rasmi ah looguma dhawaaaqin.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video