Rasmi: Stylish Actor Allu Arjun Filimkiisa Xiga Oo Daaha Laga Qaadi Doono 14-Ka Bishan June

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Stylish Actor Allu Arjun wuxuu qof walbo kusoo jiitay goos gooska filimkiisa DJ (Duvvada Jagannadham) waxaana la daawan doonaa 23-ka bishan June.

Hadaba Allu Arjun ma nasan doono wuxuuna 14-ka bishan June ama 4-maalmood kadib soo bandhigi doonaa filimkiisa xiga ee uu hogaamiyaha ka yahay.

WARAR DHEERAAD AH:

Filimkan waxaa Director ka ah Vakkantham Vamsi oo horey u qoray sheekooyinka filimada Telugu ee caanka ah “Temper” and “Kick” waxaana sidoo kalena soo saarayaal ka ah Nagababu, Sirisha Sridhar Lagadapati iyo Bunny Vas.

Sidoo kale filimkaan muusigadiisa waxaa sameyn doonaan labada caanka ah Vishal-Shekhar, halka Rajeev Ravi uu dhanka kaamirada qaabilsanaan doono.

Allu Arjun wuxuu bartanka kaga jiraa mid ka mid ah waqtigiisa ugu wanaagsanaa madaama filimadiisii ugu dambeeyeen Race Gurram (2014), S/O Satyamurthy (2015), Rudhramadevi (2015) iyo Sarrainodu (2016) dhamaantooda guulo wacan gaareen oo ay Boxoffice-ka wacdaro ka dhigeen.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video