Raveena Tandon” Aniga Ma Xiisenayo Inaan Galo Dowlada, Mana Doonayo inaa Lug Kuyeeshto Siyaasada”

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Raveena Tandon oo kamid ah gabdhihii ugu quruxda badnaa 10kii sano ee dahabiga ahaa Bollywoodka, waxaan ka hadlaayo waa 90kii.

Xidigtaan aflaamta ay ugu quruxda badantahay oo abid aanan la ilaawi doonin waxaa kamid ah, Mohra, Dilwale, Zamaana Deewana, Ziddi iyo kuwa kale.

Raveena ayaa la falgashay Baraha bulshada ayadoo soo dhigtay qoraalo ay ku amaaneyso Dharka ay hidaha iyo dhaqanka u leeyihiin india, qaasatan dumarka Saree ga ay xirtaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Waxayna tilmaamtay inuu Saariga yahay dharka ay aadka u xiiseso sido kalena ay aad ugu faanto aayna ad u jeceshahay waxwalboo dalkeeda India quseeya.

Hadaba isticmaale qadka kana mid ah taagerayasheda baraha bulshada ayaa xidigtaan weydiyay suaal ah inee kusoo laaban doonto fanka oo ay filim sameyn doonto ama inee gali doonto siyaasada.

Raveena oo ka jawabeysa arinkaa waxay tiri,” dhamaan dadka umaleya inaan aniga gali doono siyaasada ha iska dhaafan fikirkaas, Aniga Ma Xiisenayo Inaan Galo Dowlada, Mana Doonayo inaa Lug Kuyeeshto Siyaasada.”

Dhanka shaqada waxay kasoo muuqan doonta xidigtaan filimkeeda xiga ee Shab kaaso la daawan doono 30 June.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video