SRK Gabadhiisa Suhana Khan Oo Ka Codsatay Inuu Filimka Jab We Met La Daawado Laakiin Wuxuu Ka Jecel Yahay Filimka Socha Na Tha

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

SRK wuxuu maalmo ka hor soo bandhigay magaca rasmiga ah filimkiisa xiga Jab Harry Met Sejal waxaana la jileyso Anushka Sharma halka Imtiaz Ali uu Director ka yahay waxaana filimkaan la daawan doonaa 4 August 2017.

SRK iyo gabadhiisa sheeko dhex martay ayuu saxaafada la wadaagay taasi oo ah gabadhiisa Suhana Khan ay ka dalbatay daawashada filimka Jab We Met oo ay wada jileen Shahid Kapoor iyo Kareena Kapoor waxaana sameeyay Imtiaz Ali.

WARAR DHEERAAD AH:

SRK wuxuu yiri “Gabadheyda Suhana ayaa iga codsatay inaan Jab We Met la daawado waana filim wanaagsan laakiin aniga waxaan siweyn kaga helay Socha Na Tha oo Abhay Deol hogaamiye ka ahaa”

“Director Imtiaz wuxuu Socha Na Tha sameeyay asigoo aqoon loo laheyn laakiin waa filim qurux badan oo aan ka helo daawashadiisa, sidoo kalena filimkiisa kale Rockstar waa mid wanaagsan laakiin Boxoffice-ka bandhig fiican kama sameynin madaama sheekadiisa ahayd mid adag oo dadka ku adkaatay inay fahmaan”

“Laakiin markaan aniga iyo Imtiaz waxaan sameenay Jab Harry Met Sejal oo ah filim fariintiisa sahlan qof walbana fahmi karo kuna kalsoonahay inuu guuleesan karo”

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video