SRK Muxuu Ka Yiri In La Kala Weeciyay Isku Dhacii Isaga Iyo Akshay Kumar Oo Lagu Balansanaa 11 August 2017

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Bollywood King Khan ayaa ugu dambeyntii sharaxaad ka bixiyay sababtii loo kala weeciyay isku dhaca filimada Jab Harry Met Sejal iyo Toilet Ek Prem Katha oo tiyaatarada la wada saari lahaa 11 August 2017.

SRK filimkiisa Jab Harry Met Sejal haatan hal todobaad ayaa lasoo hormariyay waxaana la daawan doonaa 4 August halka Akshay Kumar filimkiisa Toilet Ek Prem Katha loo dhaafay in 11 August la daawado.

SRK oo arinkaan ka hadlaayay wuxuu yiri “Mararka qaar waa wax aan laga fursan karin in labo filim oo waa weyn hal maalin tiyaatarada la wada saaro waa marka la waayo hab loo kala weecin karo filimadaas”

WARAR DHEERAAD AH:

“Raees maalin kale waan u raadin karay balse waxay noqon laheyd inaa 4 August geeyo meeshana waxaa ka bixi lahaa Jab Harry Met Sejal oo Janaayo 2018 usii dhici lahaa”

“Raees horey ayuu u baaqday dhaawac dhanka jilibka iga gaaray awgeed sidaa darteed dib looma sii dhigi karin waa run isku dhacii Raees galay ma fiicneyn hadana ganacsi fiican wuu sameeyay waloow kaligiis hadii la daawan lahaa ganacsiga kasii fiicnaan lahaa”

“Hadii aan usoo laabno arinka Jab Harry Met Sejal labo todobaad ka hor ayaan go’aansanay inaan 4 August filimkeena u xulno, waana waqti fiican oo ganacsi wacan ku sameyn karo”

“Waxaan qaadanay talaabo dan u ah Jab Harry Met Sejal iyo Toilet Ek Prem Katha sidoo kalena labada dhinac wey isla soo dhaweeyeen aragtidaan ah in labadaan filim la kala weeciyo”

Dabcan SRK wuxuu cadeeyay inuu qaatay go’aan dan u ah isaga iyo saaxiibkiis Akshay Kumar si filim walbo hal todobaad oo ku filan u helo ganacsi ahaan.

Fikradaha Akhristayaasha (1)

  1. zamiir mohmed says:

    horta ninkan akshay la idhaahdo waa madaxa shactirada waana nin xikmad badan markaa waxaan filayaa inuu ka baqay SRK in uu la dhigo filomkiisa maalin Kalya




Featured Video