Top Ten Opening Days 2017: Filimka Raabta Oo Kaalinta 9-aad Ka Galay 10-ka Filim Ee Maalinta 1-aad Lacagaha Ugu Badan Sanadkaan Soo Xareeyeen

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Filimka Raabta oo ay hogaamiyaal ka yihiin Sushant Singh Rajput iyo Kriti Sanon ayaa ganacsi liito sameeyay maalintiisa kowaad wuxuuna keenay 4.75 Crore (Trade Figure) sida shabakada Boxoffice India xaqiijisay.

Raabta kaalinta 9-aad ayuu ka galay 10-ka filim ee maalinta 1-aad lacagaha ugu badan sanadkaan soo xareeyeen waxaana ka lacag badan maalintiisa kowaad filimka Naam Shabana oo ay Taapse Pannu hogaamiye ka ahayd.

Filimka Baahubali – The Conclusion ayaa ah filimka lacagaha ugu badan maalinta kowaad soo xareyay sanadkaan gaar ahaan qaybtiisa Af Hindiga lagu daawaday asigoo labo laab ka badan filimka kusoo xigo.

Baahubali – The Conclusion wuxuu noqday filimka ugu horeeyay ee maalinta kowaad 40 Crore soo xareeyo kaasi oo Af Hindi lagu daawaday taariikh ahaan.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka filim ee lacagaha ugu badan maalinta kowaad soo xareeyeen sanadkaan 2017 sida Boxoffice India soo daabacday:

1. Bahubali 2 – The Conclusion – 40.73 Crore (Qaybta Af Hindiga Lagu Daawaday)

 

2. Raees – 20.29 Crore

 

3. Jolly LLB 2 – 12.06 Crore

 

WARAR DHEERAAD AH:

4. Badrinath Ki Dulhania – 11.68 Crore

 

5. Half Girlfriend – 9.27 Crore

 

6. Kaabil – 8.02 Crore

 

7. Rangoon – 5.06 Crore

 

8. Naam Shabana – 4.87 Crore

 

9. Raabta – 4.75 Crore qiyaas ahaan

10. Commando 2 – 4.41 Crore

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video