Arin Xiiso Badan: Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Iyo Madaxweynaha China Oo Ka Sheekeesteen Filimka Dangal

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Ganacsiga waalida ah ee filimka Dangal China ka sameenayo wuxuu isku badalay dood qaran taasina waxaa sabab u ah in Mr. Perfectionist Aamir Khan in ka badan 20-milyan oo taageero ah gudaha China ku yeeshay.

Sidaa darteed Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo Madaxweynaha China Xi Jinping ayaa ka sheekeesteen filimka Dangal iyo sida uu u noqdo mid mideeyo Hindida iyo Shiinaha.

WARAR DHEERAAD AH:

Labada masuul waxay ku kulmeen caasimada Astana dalka Kazakhstan maalintii Jimcada ahayd waxaana dhacday markii ay arimaha dhaqaalaha iyo siyaasada ka wada hadleen inay isku soo qaadeen saameynta filimka Dangal.

Madaxweynaha China Xi Jinping ayaa Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi u sheegay inuu ka helay filimka Dangal sidoo kalena aad ula yaaban yahay saameynta lixaada leh ee uu ku yeeshay dadka reer China ee tiyaatarada ku xiran.

Dangal wuxuu noqday filimka lacagaha ugu badan dhul weynaha China kasoo xareeyay ee aan Hollywood ahayn ilaa haatana ku dhawaad $180M ayuu China Boxoffice kasoo xareeyay.

Fikradaha Akhristayaasha (5)

  1. m.Guursade says:

    zxp halkaa u danbysa ma wxd ula jeeda ma jiro filim china ah oo soo xereyay 180 million mrka laga yimaado filim hollywood ah?

    • Zakarie Abdi says:

      Maya waxaa laga wadaa ma jiro filim kale oo ay caalamka sameeyen oo $180m soo xareeyay marka laga soo tago filimada Hollywood, micnaha China waaba dhulkooda filimadooda lacago badan ayay gudaha ka keenaan ee waxaa laga wadaa filimada ajaanibta ah ee gudaha China laga daawado shirkadaha kala duwan caalamka sameeyeen Dangal kaliya kuwa Hollywood-ka ayaa ka lacag badan.

  2. m.Guursade says:

    thnks zxp zaki iminka ayaan fahmay…

  3. Abdullahi says:

    Sxb filinka chine lacagta ugu badan ka so xareery isheeg iyo kuwa ajaanita kan ugu badan ka so xareeryay

  4. faiso maxamed says:

    wwwwww axsan ugaas sare waxaasa iskoor ah aniga waan ka haray lkn dadka kugu dhagan ayaga ayaa daalayo DANGAL KHAN sln sharaf ayad mudan tahy guul




Featured Video