Daisy Shah Oo Salman Khan Kula Soo Biirtay Filimka Dance-ga Ee Iska Leeyahay Remo D’Souza

src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js">

Director Remo D’Souza oo caan ku ah sameynta filimka ABCD iyo ABCD 2 ayaa shaaca horey kaga qaaday in filimkiisa xiga hogaamiye ka yahay Mega Star Salman Khan.

Sidoo kale mashruucaan aan magaca loo bixinin balse fariinta Dance-ga ku saabsan waxaa atirisho kowaad looga dhigay Jacqueline Fernandez.

Hadaba warbixin cusub oo filimkaan ku saabsan waxaa lagu xaqiijiyay atirishada Daisy Shah in lagu soo daray kooxda doorarka muhiimka ah ku yeelan doonto filimkaan.

WARAR DHEERAAD AH:

Daisy Shah sanadii 2014 waxay kusoo caan baxday filimkii Jai Ho oo ay Mega Star Salman Khan la jishay waxayna ku faraxsan tahay inay markale Sallu la sameyn doonto filim xiiso badan.

Filimkaan aan magaca loo bixinin waxaa maal galineyso Salman Khan shirkadiisa Salman Khan Films wuxuuna xidigan ku jili doonaa aabo dhalay gabbar 13-jir ah iyo xiriirka adag ee gabadhiisa kala dhaxeeyo.

Salman Khan hada wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa Tiger Zinda Hai oo ay la jileyso Katrina Kaif lana daawan doono 21 December 2017.

Sidoo kale Salman Khan wuxuu xayeysiin balaaran u sameenayaa filimkiisa diyaarsan Tubelight oo la daawan doono 23-ka bishan June.

Waxaa la isla dhex maraa filimkaan Dance-ga ah ee aan magaca loo bixinin in Salman Khan sanadkaan qaybihiisa dambe ka hawl gali doono sidoo kalena la daawan doono Eid 2018 laakiin lama xaqiijinin arinkaan.

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Featured Video